4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2012
Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Ururka WADANI oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Berbera
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka reer Somaliland iyo ururka siyaasadeed ee Wadani kaga tacsiyeeyay geeriddii ku timid guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee urukaasi oo shalay shil gaari ku geeriyooday.

Alla ha u naxariistee waxa shil gaadhi ku geeriyooday marxuum, Cabdullaahi Siciid Dheere oo ahaa guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee ururka Wadani, xilli ay kusii jeedeen madaarka Berbera oo uu kasoo degayey gudoomiyaha ururkaas oo ay doonayeen inay si weyn usoo dhoweeyaan gudoomiyahooga, haseyeeshee nasiib uma helin oo allaa qadaray inuu jidkaasi Berbra iyo Hargeysa udhexeysa gaadhigu kula qalimay, waxaana halkaasi dhaawacyo kala duwan ka soo gaadhay masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cali Xaaji iyo Cabdi Raygal oo ay gaadhi la wada socday, kuwaas oo hadda lagu dawaynayo cisbitaalka Hargeysa.

Sidoo kale, waxa iyana tacsi u diray gudoomiyaha ururka WADANI, xisbiga kulmiye iyo xisbiga UCID, kuwaas oo ka tacsiyadeeyey ururka wadani geeridii gudoomiyahoogii 3aad ku timid.

Alla ha u naxariistee maxruum Cabdilaahi Dheere, ayaa ka mid ahaa ragii aasaasay xisbiga UCID, khilaaf soo kala dhexgalay xisbiga UCID ayaa keentay in garab ka mid ah UCID samaystaan urur siyaasi WADANI, kaas oo uu ka mid ahaa ragii aasaasay,isla markaana hal-bawlayaasha ururka ka mid ahaa, waxaana maanta lagu aasi doonaa magaaladda Hargeysa.

Shirkan uu marxuumku ku geeriyooday ayaa yimid ka dib markii kolonyo gaadiid ah oo uu la socday oo ku sii jeeday magaaladda Berbera si ay usoo dhoweeyaan gudoomiyaha ururkaasi C/raxmaan Cirro oo safar dibadda ah ka soo laabtay,nasiib daro inta aanay gaadhin Magaaladda Berbra ayuu shirkani dhacay.

Sida masuuliyiintii la socday noo sheegeen marxuumka geeriyooday oo dhaawac weyni ka muuqan oo safarkoodi sii wata, ayaa mar dambe si kadis ah u geeriyooday, iyadoo loo malaynayo inuu dhiig ku furmay, taasina soo dadajisay geeridiisa, haseyeshee labaddii masuul ee la socday ayaa iyaguna dhaawac fudud qaba.

Jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera ayaa mid burbursan, kaas oo todobaadkasta dad sahayata, waxaana hore jidkan ugu geeriyooday saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE mar ay soo dhoweeyeynayeen gudoomiyihagooga, waxaana loo aanayaa inay sabab u tahay shilalka baabuurta ee wadadaasi go’oga wadada, iyo laamida oo ah mid gooladdo badan, isla markaana gaadiidku xawaare sare ku socdaan, waxaana inta badan burburkaasi wadada u sabab ah baabuurta xamuulka u qaada Itoobiya oo adeegsada wadadaasi, taas oo aan iska xejin karin culayska gaadiidkaasi waaweyn, iyo dayactir la’aan haysta wadada.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland