4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo ay ku dhinteen 10-qof oo ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay tiro intaas ka badana ay dhaawacyo kasoo gaareen ayaa maanta baqadii ka dhacay deegaanno u dhexeeyay deegaanka Yaaq-bari-weyne iyo garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ee gobolka Shabeellada hoose.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo doonayay inay howgallo sameeyaan ay weerarro kusoo qaadeen xoogagga Al-shabaab oo ku sugnaa dhul howd ah oo ku yaalla deegaanka Yaaq-bari-weyne oo u dhexeeya degmada Wanlaweyn iyo degmada Buur-hakaba ee gobolka Shabeellada hoose.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo saakay doonayay inay howlgallo ka sameeyaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay weerar kala kulmeen xoogagga Al-shabaab, waana iska caabiyeen - waxaana la wareegnay deegaannadii lagu dagaalamay," ayuu yiri Col. Ibraahim Yaroow taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellada hoose oo saxaafadda la hadlay markii uu dagaalku joogsaday.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada lagu dagaalamayy ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayna jiraan gaadiid la kala gubay iyo kuwo shil galay intii uu dagaalku socday.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalkii maanta dhacay, iyadoo sidoo kale uu ka gaabaday dagaalkaas inuu ka hadlo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan).

Lama sheegin dad shacab ah oo dagaalkaas wax ku noqday, inkastoo dagaalku uu ahaa mid culus oo ay labada dhinaca duqeymo u geysteen goobo ka fog halka ay ku dagaalamayeen, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu xoogga badnaa oo ku dhexmara ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM sheegeen dhawaan inay u qorsheysan tahay inay isku xiraan magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa degmada Buur-hakaba oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxaana dagaalkaan uu u muuqdaa mid ay Al-shabaab ku doonayso inay ku xajisato gacan ku haynta deegaannada u dhexeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Baydhabo.

Maxamed Xaaji, Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya