4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose oo sheegay in Qarax ka dhacay Shalaanbood uu ku dhintay hal Askari
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose ee dhinaca ammaanka, Axmed Cumar Mudane ayaa sheegay in hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu dhintay qarax ka dhacay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada hoose.

Axmed Mudane ayaa sheegay in qaraxaas oo ahaa miino uu ka dhacay maqaayad ay dad badan ku sugnaayeen shalay oo Axad ahayd, balse uusan noqon sidii la doonayay in waxyeello loogu geysto.

"Hal askari ayaa ku dhintay qaraxa, mid kalena wuu ku dhaawacmay. Dad badan oo goobta ku sugnaa Alle ayaa ka badbaadiyay inay waxyeello kasoo gaarto," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka ammaanka ee gobolka Shabeellada hoose oo sheegay inuu ahaa qaraxaas mid ay ka dambeysay Al-shabaab.

Balse goobjoogayaal ayaa sheegay inay tirada dhimashada iyo dhaawaca ka badan tahay inta uu sheegay guddoomiyaha, iyadoo qaar ka mid ah goobjoogayaashu ay sheegeen inay arkeen maydadka saddex askari iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Maamulka gobolka Shabeellada hoose ayaa weerarkan miino ku eedeeyay inay ka dambeeyaan xoogag Al-shabaab taabacsan, iyadoo deegaankan uu ka mid ahaa kuwii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ka qabsadeen Al-shabaab bishii lasoo dhaafay.

Qaraxan ayaan ahayn kii ugu horreeyay oo ciidamada dowladda ee ku sugan qaar ka mid ah deegaannada Shabeellada hoose lala beegsado, balse dhowr jeer oo hore ayay ka dhaceen qaraxyo khasaare kala duwan geystay.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose wuxuu sheegay inay socdaal dadaallo lagu sugayo goobihii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qabsadeen Al-shabaab sida degmada Wanlaweyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya