4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Kulan lagu waday inuu Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya khudbad ugu jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka oo dib u dhacay
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in kulankaan uu dib u dhacay, balse la qaban doono maalmaha soo socda, iyagoo sheegay in ra'iisul wasaaraha ay ka dhageysan lahaayeen khudbad ku aaddan xukuumadda lasoo dhisayo iyo waxay qabanayso.

"Waxana nalagu wargeliyay inuu dib u dhacay kulan maanta dhici lahaa oo ra'iisul wasaaraha cusub aan uga dhageysan lahayn waxqabadka xukuumadda uu soo dhisi doono," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

Lama sheegin xilliga uu kulankan qabsoomi doono, balse ra'iisul wasaaraha oo la hadlay idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhisi doono dowlad tayo leh.

"Waxaan soo magacaabayaa gole wasiirro oo ku imaan doona aqoon, hufnaan iyo karti, waxayna ku imaan doontaa xukuumadda aan soo dhisayo wadatashi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu dagaal adag la geli doono musuq-maasuqa.

Ra'iisul wasaaraha aan weli kalsoonida baarlamaanka helin ayaa wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari dooto sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka dalka, sidoo kalena ay wax walba ku raadinayso nabad iyo dib u heshiisiin, isagoo sheegay in xalku uusan ku jirin dagaal.

Kulankan baarlamaanka ee baaqday ayaa noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo markii baarlamaanka Soomaaliya la dhaariyay, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn xilliga uu dhici doono kulankan midka xiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya