4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Madaxweyene Obama oo mar labaad loo doortay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Mareykanka

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa mar labaad loo doortay inuu hoggaamiyo Mareykanka afarta sano ee soo socota, kaddib markii uu helay 303 cod oo ka badan codadkii loo baahnaa.

Murashaxii la tartamayay Mitt Romney oo ka socday xisbiga Jamhuuriga ayaa isna helay 206 cod, isagoo durba qirtay in looga adkaaday doorashada, wuxuuna u diray hambalyo ku aaddan guushiisa madaxweyne Barack Obama.

Obama oo khudbadiisii guusha ka jeediyay magaalada Chicago ee gobolka Illinois ayaa u mahadceliyay dhammaan intii gacanta ka geysatay in dib loosoo doorto, wuxuuna sheegay inuu wax ka bedeli doono habka canshuuraha Mareykanka uuna sameyn doono sharciyadda dadka soo-galootiga ah, isagoo sidoo kale ballanqaaday inuu yareyn doono kharashaadka dowladda.

Gobollo ay ka mid yihiin Florida ayaan weli looga dhawaaqin codadka ay kala heleen lamada murashax, balse codadka uu helay Obama ayaa ah kuwo ka badan kuwii uu kusoo bixi lahaa, waxaana tani ay ka dhigaysaa in Obama uu afar sano oo kale kusii shaqeeyo aqalka cad ee Mareykanka.

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa u soo baxay doorashada madaxweynenimo ee dalka Mareykanka, iyadoo gobollada dalkaas ay si weyn ugu hardameen labada nin ee tartamay, inkastoo gobollada waaweyn intooda badan uu ku guuleystay Obama.

Aqalka congress-ka ayaa waxaa madax kasii noqanaya xisbiga Jam

FALANQEYN: Codbixinta Mareykanka iyo Cududa Soomaalida Ku Nool
huuriga oo ku guuleystay kuraasta ugu badan ee aqalkan, halka xisbiga Dimuqraadiguna uu madax kasii ahaan doono aqalka senate-ka.

Madaxweyne Obama oo afar sano oo hore soo hoggaaminayay dalka Mareykanka ayaa waxaa xilka loo dhaarin doonaa bisha Jannaayo ee sanadka soo socda 2013, waxaana Obama iyo Romney ay sameeyeen ololayaal badan doorashada ka hor.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxay intooda badan u codeeyeen madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, inkastoo ay jireen tiro kale oo Soomaali ah oo u codeeyay murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee Mitt Romney.

Madaxda caalamka ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashada Barack Obama mar labaad loo doortay xilka madaxweynenimo ee dalka Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxda sida weyn u soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya