4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Wefdi ka socda shirkad kuwa shiidaal baara ah oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [SAWIRRO]

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa shalay qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka socday shirkad baadhitaan shidaal ka bilaabmaysa Somaliland.

Madaxwaynaha ayaa kulankiisa waxa ku weheliyay Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirrada Arimaha dibada, Xuseen Cali Ducaale, Macdanta iyo biyaha iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumadda Somaliland.

Weftigan oo ka socda shirkadda shidaalka ee Genel Energy, ayaa Madaxwaynaha iyo Wasiirrada Somaliland la yeesheen kulan albaabadu u xidhnaayeen,haseyeeshee markii shirkaasi dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Macdanta iyo biyaha iyo sarkaalkii wadday weftigan ee ka socday shirkadda baadhaysa shiidaalka.

Wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cali Ducaale waxa uu tilmaamay in weftigani ay Madaxwaynaha Somaliland uga warameen qorshaha ay shidaalka kaga baadhayaan dalka, taasi oo ku timid heshiis hore u dhex maray shirkadda iyo Wasaaradda Macdanta iyo biyaha.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uga mahad-celiyay weftigan ka socda shirkadda booqashada ay ku yimaadeen Somaliland oo ay ka jirto nabadgalyo buuxdda oo la isku halayn karo, isla-markaana lagaga fulin karo mashaariic waaweyn oo horumarineed.

Dhanka kale, hogaamiyaha weftigan ka socda shirkadda Genal Energy ayaa Madaxwaynaha Somaliland guddoonsiiyay bilad sharaf qiimo badan, taasi oo uu Madaxwaynuhuna ka guddoomay.

Shirkadan ayaa iskugu jira Ingiriis iyo Turki, kuwaas oo doonaya in sanadkan dhamaadkiisa ka bilaabeen qodista shiidaalka Somaliland, iyagoo sheegay in lacag afartan milyan lagu qiyaasay ku maalgalin doonaan sahaminta shiidaalkaasi.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland