4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
CABDIWELI GAAS: "Dadweynaha ku nool Deegaannada Puntland waxay ii sheegeen in ay jiraan xoriyad la'aan iyo cadaadis"

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo dhowaan booqasho ku maray qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland ayaa shir jaraa'id oo uu magaalada Gaalkacayo ku qabtay kaga hadlay arrimo badan.

Prof. Cabdiweli oo xiligan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee dalka, ayaa sheegay in intii uu Puntland ku sugnaa uu arkay dhibaatooyin badan oo haysta bulshada ku dhaqan gobolada Puntland. Arimaha uu sida gaarka ah u tilmaamay waxaa kamid ah: caburin uu sheegay in lagu hayo warbaahinta, iyo in aysan dadku awood u lahayn in ay si cad usoo bandhigaan afkaartooda siyaasadeed.

"Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada. Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwaadinimo" Prof. Gaas oo war-fidiyeenada la hadlayey ayaa yiri.

Ugu danbeyntii wuxuu ugu baaqay bulshada Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada. Isimada ayuu sidoo kale u direy fariin ku aadan sidii ay horumarka dalka uga shaqeyn lahaayeen, isagoo xusay in arintaas uu xil weyni ka saaran yahay.

Dhinaca kale; dowladda Puntland ayaa eedeynta Gaas si kulul uga jawaabtey. Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeynta Prof. Gaas ay tahay mid aysan waxba ka jirin.

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in hadii Puntland uu cadaadis siyaasadeed ka jiro aan loo ogolaadeen in Cabdiweli Maxamed Cali uu ololaha intaas le'eg ka dhex sameeyo, islamarkaana uu abuuro qalalaase siyaasadeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Booqashada uu Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ku yimid Puntland ayaa ah mid si weyn loo dareemay. Inkasta oo ujeedada socdaalkiisa uu isagu ku tilmaamay in ay tahay sidii uu xaaladda dalka usoo indho indheyn lahaa, waxaa hadana la rumeysan yahay in uu leeyahay damac siyaasadeed oo qarsoon.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya