4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Kooxo baastoolado ku hubeysan oo xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah shaqaalaha Dekedda Magaalada Kismaayo

Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe toogasho ku dilay mid kamid ah shaqaalaha Dekedda magaalada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garaneyn kooxaha dilka geystay.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Fanax ayaa waxa uu ahaa Tiriye Kastan oo katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo, waxaana xalay kooxo hubeysan ay ugu soo galeen gurigiisa oo ku yaal xaafadda shaqaalaha, waxaana la sheegay in dhowr xabadood ay madaxa kala dahceen.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda uu deganaa Marxuumka oo magaciisa kusoo gaabiyay Abdullahi ayaa HOL u sheegay in xalay saqdii dhexe guriga loogu soo galay Marxuumka, wuxuuna xusay in nimankii dilka u geeystay ay goobta ka baxsadeen.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Kismayo faahfaahin ka bixiyay ninka xalay lagu dilay gudaha magaalada, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi.

Dilkani ayaa noqonayo kii ugu horeeyay ee loo geysta xubin katirsan maamulka KMG ee magaalada Kismaayo tan iyo intii ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya