4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Qarax ka dhacay xaafada Eastleigh (Islii) ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sedex qof ayaa ku dhaawacantay qarax xooggan oo ka dhacay Xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii ee magaalada Nairobi.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay wadada 1st Avenue ee xaafadda Islii, waxaana goobjoogayaal ku sugnaa nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay ay warbaahinta u sheegeen in qaraxu ahaa mid xooggan .

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd Buundo ay dadku isticmaalaan, waxayna ahayd 7:00 barqanimo oo ah xilliga ugu mashquulka badan oo ay dadku shaqooyinkooda aadaan.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa Bam wadada dhinaceeda la geliyay, haseyeeshee waxa ay sheegeen in weli ay wadaan baaritanno ku aadan arintaasi.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa gaaray ciidamo katirsan booliska Kenya, iyo quburro dhinaca qaraxyada ah, waxa ayna ciidamadu hakad geliyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee isticmaali jiray wadadaasi.

Taliyaha Booliska Nairobi Moses Ombati, oo lahadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in goobta shilku ka dhacay ay u direen quburro dhinaca qaraxyada ah si ay usoo xaqiijiyaan waxa sababay qaraxa.

Axaddii aynu soodhaafnay ayay ahayd markii qarax nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah lala eegtay Kaniisad ku taal magaalada Garissa, kaasoo sababay dhaawac soo gaara 11 qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobtaasi.

Hiiraan Online, News Desk