4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2012
FOWZIYO YUUSUF: "Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkeygii oo waan ka dhexeeyaa"
Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo  rajo wanaagsan ka muujisay inay kasoo bixi karto howsha loo dhiibay.

Wasiirka Kalluumeysiga Somaliland, Cabdullaahi Jaamac Cismaan oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheeagy in Fowziyo aysan metelin Somaliland, sidoo kalena aysan imaan karin Somaliland maadama ay ka mid noqotay dowladda Soomaaliya, balse wuxuu xusay inay ka mid noqon karto xubnaha dowladda Soomaaliya u matalaya wadahadallada socda.

"Somaliland waa dalkeygii, Soomaaliyana waa dalkeygii, labaduba waa dadkegyii oo waan ka dhexeeyaa, waxaan filayaa in Alle igu guuleeyo in wadahadalada billowday lagu guuleysto, waxaana u arkaan inaan wax weyn ka qaban karo isku keenidda labada daraf ee uu wadahadalku u billowday," ayay tiri Fowziyo Yuusuf oo wareysi gaar ah siinaysay BBC-da.

Sidoo kale, ma la weydiiyay rajada ay ka qabto inay howsha loo dhiibay kasoo bixi karto ayaa waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay inay howshan kasoo bixi karo maadama howsha loo dhiibay ay tahay mid ay wax badan ka garanayso.

"Rajo wanaagsan ayaan ka qabaan inaan xilka kasoo bixi karo, waayo waa howshii aan dooran lahaa, waxaana is leeyahay haween laguma dayin, waayo haweenku waa ka dadaal badan yihiin ragga waana naftood hurayaal marka ay howl timaaddo, waxaana filayaa inaan kasoo bixi karo xilkan," ayay tiri Fowziyo.

Hadalka Fowziyo Yuusuf ee ku aaddan dowladda Somaliland ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo mas'uul ka tirsan dowladda Soomaliya uu ku dhawaaqo, iyadoo ay tani ay ka dhigayso in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay Somaliland dowlad gooni ah.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day labaatan sano ka hor, iyadoo aan weli helin wax aqoonsi caalami ah, waxaase ay weli ku adkeysanayaan madaxda maamulkaas inay ka madaxbannaan yihiin Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya