4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia oo Tababar loogu soo Xiray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo tababar ciidan loogu soo xirayay ku dhowaad 700 oo askari ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo iyadoona munaasabaddaasi ay goobjoog ka ahaayeen saraakil katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Saraakiil katirsan ciidamada Itoobiya oo munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay mudo lix bilood ah ku jireen xerooyin ku yaal degmada Doolow halkaasoo ay ku qaadanayeen tababarro la xiriira askarinimada.

Madaxa howlgelinta ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Max’uud Sayid Aadan oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeeyn u mahadceliyay dowladda Itoobiya oo uu ku amaanay taageeradeeda dhanka Militariga ah ee  ay siiso dowladda Soomaalya, wuxuuna intaa kadib u hambalyeeyay ciidamadii tabarka dhameystay.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad si hagarla’aan ah u gudataan waajibaadka shaqo ee aad u heysaan dadkiina,” ayuu yiri Masuulkani oo la dardaarmayay ciidamadii tababarka loo soo xiray.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ay ka fulin doonaan gobolka Gedo.

“Waxaad kamid tihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaadna tihiin ciidankii shabaab ka xoreyn lahaa labada degmo ee ay kaga suganyihiin gobolka Gedo ee Buurdhuubo iyo Baardheere,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Ciidamada tababarka loogu soo xiray degmada Doolow ayaa kusoo beegmaya xilli shalay magaalada Baydhabo ay ka dhacday munaasabad tababar ciidan loogu soo xiray ku dhowaad 1000 (Kun) askari, kuwaasoo ay tababartay dowladda Itoobiya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya