4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Soomaaliya oo sheegay in xoogagga Raaskambooni ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga, Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in xooggagga Raaskambooni ee ka dagaalamaya gobollada Jubbooyinka ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoo inaysan Jubbooyinka joogin ciidan aan ahayn kuwa dowladda.

Jen. C/qaadir Diini ayaa sheegay inaan xilligan loo baahnayn in ciidamada dowladda loo kala bixiyo magacyo kala duwan, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidamada xooggu ay yihiin kuwo hal magac iyo hal ujeeddo leh.

"Ciiidamada Kismaayo jooga waa isku mid mana kala qaybsana, dhammaantood waxay kawada tirsan yihiin ciidamada qalabka sida waxayna gudanayaan waajibka dalkooda ka saaran," ayuu yiri Jen. Diini oo sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo ciidamada dowladda iyo Raaskambooni.

Taliyaha ciidamada xoogga ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiil shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, iyagoo u kuugalay xaaladda magaaladaas kaddib markiii AMISOM iyo dowladda ay kala wareegeen bishii lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

Mas'uliyiinta jabhadda Raaskambooni ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inaysan ka tirsanayn dowladda Soomaaliya balse uu kala dhexeeyo xiriir wadashaqeyneed, iyagoo sheegay inay leeyihiin hal cadow oo ay ku sheegeen Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta saraakiisha dowladda kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn jawaabta uu ka bixin doono hadalka taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya