4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo  AMISOM ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose; iyadoo wafdigan ay soo dhaweeyeen saraakiisha dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan degmada Kismaayo.

Wafdigan oo uu horkacayay wasiirkii gaashaandhigga xukuumaddii hore Xuseen Carab Ciise, taliye ku xigeenka  AMISOM, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintani ayaa markii ay kasoo dageen garoonka waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madax katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo kadibna waxaa loo gelbiyay xarunta degmada halkaasoo ay kulamo kula qaateen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan degmadaasi.

Wafdiga ayaa waxa safarkooda ku wehlinaya qaar kamid ah saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in wafdigu uu kulamo la qaato odoyaasha dhaqanka , ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo hadal ka jeediyay Kulan  ay xarunta degmada Kismaayo kula qaateen masuuliyiinta dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Kenya ayay uga mahadceliyeen a dadaalka ay u galeen sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen magaalada Kismaayo oo uu wasiirku sheegay in Al-shabaab ay ka heli jireen Dhaqaale badan.

Afhayeenka ururka Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo hadal ka jeediyay kulankii ay la qaateen wafdiga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan Jubooyinka.

Waa wafdigii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Soomaaliya oo gaara magaalada Kismaayo tan iyo intii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya