4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Wasiirada Arimaha Dibedda ee Soomaaliya oo Nayroobi Kula Kullantay Dhiggeeda Dalka Kiinya (SAWIRO)

Talaado November 27, 2012 (HOL) Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiiradda Arimaha Dibedda ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Yuussuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Nayroobi kula kulantay Wasiirka Arimaha Dibedda Kenya Proff Samson Ongeri kaasi oo ay guddoonsiiisay dhambaal uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay dhigiisa Dalka Kenya Mwai Kibaki.

Marwo Fawsiya oo Kenya soo gaartay  galabnimadii Isniinta ayaa waxaa uu dhigeeda Kenya ku qaabilay xafiiska wasaaradda arimaha dibedda ee Bartamaha magaalada Nayroobi, waxayna labada masuul kawada hadleen xiriirka labada dal, xoojinta hawlaha nabad ilaalinta ee  AMISOM iyo sidoo kale sidii ay Kiinya uga caawin lahayd Soomaaliya kobcinta aqoonta saraakiisha dowladda ee dhinaca Maamulka iyo maareynta Hay’adaha Dowladda.

Wasiirada oo uu kullankoodu kusoo dhamaaday isafagard ayaa arimihii ay ku heshiiyeen waxaa warbaahinta u akhriyay Proff. Sam Ongeri Wasiirka Arimaha Dibedda ee Kiinya oo sheegay in labada Dal ay si dhakhso ah usoo nooleynayaan guddi gaar ah oo ka shaqeynayay xiriirka iyo iskaashiga labada Dal.

Guddigan oo horey u jiray ayaa la sameeyaya bishii September sanadkii 2006,  si sare loogu qaado xiriirka iyo iskaashiga Kiinya iyo Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka labada dowladood, islamarkaana loo dhiiri-geliyo dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Sam Ongeri waxa uu sheegay in Kiinya ay Soomaaliya ka caawineyso dhinacyada tababarka iyo kobcinta aqoonta saraakiisha dowladda ee ka shaqeynaya qeybaha kala duwan ee Hay’adaha dowladda, islamarkaana ay wada-shaqeyn buuxda siinayaan dhamaan ururada ka shaqeynaya dhinaca Horumarinta Soomaaliya.

Labada wasiir waxay  isla garteen in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo guddi khuburo ah kuwaasi oo kasoo shaqeeya sidii dib loogu soo qaabeyn lahaa qaab-dhismeedka iyo shaqada guddi iskudhaf ah ka shaqeeya danaha labada waddan.

Marwo Fawsiya ayaa sidoo kale la kullantay Ra’iisul wasaaraha Dalka Kiinya Raila Odinga, kaasi oo ku qaabilay xafiiskiisa waxayna labada masuul kawada hadleen isbadeladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, xiriirka labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa hanaanka nabad ilaalinta ee midawga Afrika ay kawadaan Soomaaliya kaasoo ay xukuumadda Nayroobi qeyb ka tahay.

Dhinaca kalana wasiiradda oo kulamadaasi kadib warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud uu booqasho rasmi ah ku iman doono dalka Kenya, iyadoona intaa ku dartay in dowladda Kenya ay kawada hadleen arimo xasaasi ah, kuwaasoo aysan si rasmi ah saxaafadda ugu shaacin.

Cabdiqafaar Axmed Shire

Hiiraan Online

Nairobi, Kenya