4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo soo saaray Amar lagu Joojinayo inay Gaadiidkju socdaan Maalinta doorashada dhacayso

Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray amar lagu joojinayo isku socodka gaadiidka magaalooyinka dhexdiisa iyo goboladaba maalinta arbacada ee doorashada golaha deegaanku dhacayso, isla markaana aanay magaalooyinka wax gaadiid ahi soo gali doonin kana bixi doonin inta ay socoto codeyntu.

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Eng: Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) ayaa shaaciyey in maalinta doorashadu dhacayso la xayiray dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalooyinka dhexdiisa iyo gobolada, waxaanu amar ku siiyey in ciidanka amnigu ay qaban doonaan wixii ay gaadiid arkaan ee ka hor yimaadaa amarkaasi ilaa inta laga gaadhayo sideedda habeenimo ee Arbacadda ay bishu tahay 28, November.

"waxaanu wada ogsoonahay in doorashadda goleyaasha deegaanka ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland loo dareeri doono maalinta arbacadda ee 28 ka November, 2012, sidaas darteed, komishanka doorashooyinkka Qaranku markuu arkay qodobka 27aad ee xeerka doorashooyinka, xeer Lr.20-2/2005 wuxuu xayirayaa maalinta doorashadda dhaqdhaaqa gaadiidka dawlada, Gaadiidka dadweynaha, ka hay’adaha caalamiga ah iyo maxaliga, Gaadiidka xisbiyadda iyo ururadda iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay, laga bilaabo lixda saac ee subaxnimo ilaa 8adda saac ee fiidnimo"ayaa lagu yidhi qoraal la soo gaadhsiiyey HOL oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ilaa shalay si habsami ah u socday raridda sanaaduuqdii codeynta ee gobolada iyo degmooyinka fog fog, waxaana loo diraariyey inay ka qaybqaataan ardayda jaamacadaha Somaliland iyo ciidamada kala duwan haday noqon lahayd Militari, boolis iyo ciidanka Asluubta, waxaana shaqo weyni ka socotaa maalmihii u dambeeyey xarunta guddida doorashooyinka.

Inta badan doorashadu marka ay dhacayso waxa la isku bedelaa ardayda jaamacadaha oo gobolo kala duwan loo kala diraa si ay u ilaaliyaan cadaaladda iyo masuuliyadda doorashada, maadaama ay iyagu masuul ka yihiin goobaha doorashooyinku ka dhacayaan, waxaana guud ahaan shacabka iyo xisbiyada tartamayaan si weyn ugu kalsoon yihiin doorka ay ardayda jaamacaduhu ka ciyaaraan maamuladda goobaha ay madaxda ka yihiin ee doorashooyinku ka dhacaan, taas oo yaraata inuu khilaaf ka dhasho ama lagu murmo marka la codeynayo iyo tirida codadka oo markiiba goob kasta lagu tirinayo loona soo gudbiyo degmooyinka ay hoos yimaadaa, ka dibna gobolada loo sii gudbiyo, ugu dambayna loo gudbin doono xarunta guud ee guddida doorashooyinka.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa iyaguna u diyaarisay ciidamadii hawshaasi baaxada leh ka bixi lahayd, kuwaas oo goob kasta la geynayo ciidan ku filan iyo kuwa kayd ah si haddii ay wax dhacaan gurmad degdeg ah u heli karaan.

Sidoo kale, maalinta doorashooynku dhacayaan ayaa gabi ahaan la xidhaa isku socodka magaalooyinka dhexdiisa iyo goboladda, kuwaas oo aanay waxna ka bixin waxna soo galin si amniga loo ilaaliyo, waxa kale oo arrintaasi ilaalinaysa in dadkii laba codeyn lahaa aanay fursad u helin inay goob kale tagaan, maadaama oo aanay jirin gaadiid ay raaci lahaayeen, waxaase jira gaadiid kooban oo fasax ka haysta guddida doorashooyinka oo ay siiyaan madaxda xisbiyada iyo kormeerayaasha caalamiga ah iyo kuwa gudahaba.

Dhanka kale, waxa jira musharaxiin badan oo ka sharaxan goboladda u dhow dhow magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ilaa xalay guranayey dad farobadan si ay ugu soo codeeyaan, waxaana ilaa xalay magaaladda Hargeysa ka baxey gaadiid aad u faro badan oo daad guraynayey dad dhallinyaro u badan, isagoo musharax waliba ku dadaalayo inuu taageerayaal ka soo kaxaysto magaalooyinka u dhow dhow si ay ugu codeeyaan, waxaana la sheegayaa inay jiraan magaalooyin badan oo dadkii la guranayey buux dhaafiyeen.

Waxa kale oo jira dad caasimadda degan oo marka ay doorashadda gaadho dib ugu noqda deegaanadooda si ay ugu soo codeeyaan musharaxiinta ka soo jeedda deegaankoodda.

Si kastaba ha ahaatee, magaaladda Hargeysa waxa laga dareemayaa dhaqdhaaqa gaadiidka ka baxaya ee dadka faraha badan sida, waxaanu musharax waliba ku dadaalayaa sidii uu u soo bixi laha,isla markaana adeegsanaya qaab kasta oo uu dad u codeeya ku heli lahaa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland