4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Qof ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan

Axad, November, 25, 2012 (HOL) – Qof rayid ayaa ku dhintay is-rasaseyn maanta ku dhaxmartay magaalada Baladweyne ciidamo ku howlanaa sugidda amniga iyo kuwa la sheegay in ay si sharci darro ah hubka ugu dhax heysteen dadka shacabka ah.

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo ay HOL wax ka weydiisay sida ay is-rasaaseynta u dhacday, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, gaar ahaan kuwii dhawaan tababarka loo soo xiray isku dhaceen kuwa kale oo hub si sharci darro ah ugu dhax heysta goob ay dadku ku badan yihiin.

‘’Qofka dhintay waxaa uu ahaa wiil dhalinyarro ah oo ka mid ah dadka ka shaqeysta suuqa khaadka lagu iibiyo oo ah halka ay is-rasaaseynta ka dhacday, waana la soo xiray askariga dilka geystay ayuu yiri,’’afhayeenka ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.

Saraakiisha maamulka gobollka ayaa sheegay dhawaan markii uu tababarku ugu soo dhamaaday magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan in aan la ogolaan doonin wax kasta oo xumeynaya nabad-galyada magaalada, ciidamadana ka hor tagi doonaan kuwa sida sharci darrada ah hubka ugu dhax heysta goobaha shacabku ku badan yahay.

Ma jirto faah faahin intaa ka badan oo ay ka bixiyeen mas’uuliyiinta maamulka is-rasaaseynta dhimashada sababtay ee ka dhacday magalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.