4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
DANJIRE MAHIGA: "Isla-Xisaabtan la'aanta Soomaaliya oo dhammaata waxay muhiim u tahay Xuquuqul Insaanka"
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in dhamaashaha isla-xisaabtan la'aanta Soomaaliya ay fursad weyn u tahay xuquuqul insaanka, isagoo si adag u cambaareeyay dilalka loo geysto wariyeyaasha.


Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo cid kasta oo dil geysatay, gaar ahaan kuwa geysanaya dilalka wariyeyaasha, isagoo dowladda ugu baaqay inay xoogga saarto sidii looga hortegi lahaa dilalka wariyeyaasha.

Soomaaliya sannadkan oo keliya waxaa lagu dilay 18 wariye oo intooda badan lagu dilay Muqdisho oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya, iyadoo aysan jirin cid loosoo qabtay dilalka wariyeyaasha loo geystay, waxaana sidoo kale wariyeyaasha lagula kacaan xarig.

"Xafiiskeyga sannadkan oo keliya wuxuu diray 10 warsaxaafadeed oo uu si adag ugu cambaareeyay dilalka qarsoodiga ah ee wariyeyaasha loo geysanayo," ayuu yiri danjire Mahiga ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray shalay oo Jimco ahayd, isagoo dowladda kula taliyay inay dadaal badan u gasho baaritaannada dilalka suxufiyiinta loo geysto.

Sidoo kale, Mahiga wuxuu sheegay in xafiiska UNPOS uu kala shaqeynayo AMISOM tababarro la siinayo booliiska Soomaalida oo ku saabsan baarista dambiyada si ay u suurogasho in lasoo qabto kuwa gala dambiyada.

Ergaygu wuxuu sheegay in UNPOS ay sidoo kale ka qaybqaadanayso hormarinta warbaahinta Soomaaliya, isagoo yiri: "29-ka bishan November xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu qorsheynayaa inuu ku wareejiyo wasiirka warfaafinta qalab lagu qabto shirarka jaraa'id, si wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ay sameyso qol ay madaxda iyo wasiirrada dowladdu ku qabtaan shirarka jaraa'id."

Qalabka ayuu sheegay in saxaafadda uu ka caawinayo inay dhinaca dowladda ka helaan warar toos ah, sidoo kalena wuxuu sheegay inuu qalabku anfacayo warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxabannaan.

Hadalka danjire Mahiga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ uu sheegay in 44 suxufi lagu dilay Soomaaliya tan 2007, sidoo kalena uu ururku sheegay in hanjabaadda lagu hayo suxufiyiinta iyo dilalkooda ay sababeen in saxaafaddu ay si wanaagsan uga shaqeyn waydo Soomaaliya.

Shalay oo Jimco ahayd ayaa waxaa loo dabaal-dagayay maalin loogu magac-daray dhameynta isla xisaabtan la'aanta, taasoo la sameeyay 23-kii bishii November ee sannadkii hore 2011, taasoo ka dhalatay dil 32 qof oo isugu jiray wariyeyaal iyo shaqaale saxaafadeed lagu dilay dalka Fillibiin sannadkii 2009.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya