4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Dowladdu ay gaari doonaan dhawaan Magaalada Jowhar
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka hadlayay waxyaabaha ay qaban doonto wasaaraddiisa ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ay ka taliso Al-shabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay in in wasaaradiisu ay qaab cusub kula dagaalamayso Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa degmooyin badan oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

"Hab cusub ayaan kula dagaalamaynaa Al-shabaab. Waxaa socda dadaallo aan ku doonayno inaan ku qabasanno degmada Jowhar, sidoo kalena aan Al-shabaab uga saaarno degmooyinka kale ee ay Soomaaliya kaga sugan yihiin," ayuu yiri afhayeen

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa intaas ku daray inay ka go'an tahay inay wax weyn ka qabtaan ammaanka dalka, isagoo xusay in wasaaraddiisu ay isku diyaarinayso inay meesha ka saarto dharka ciidamada ee suuqyada lagu iibiyo.

"Ciidamada dowladdu waxay wadaan diyaargarowyo kala duwan oo ay ku tagayaan deegaanno ay Al-shabaab weli ku sugan tahay, waxaana ka mid ah Jowhar, Bu'aale, Jilib iyo deegaanno kale oo ku yaalla Jubbooyinka," ayuu wasiirka difaacu ku sheegay wareysi uu saxaafadda siiyay.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaareen deegaan dhowr iyo toban kiiloo-mitir u jira degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya