4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Xaaladda Islii oo Saaka Dagan iyo Ganacsigii oo Dib u Furmay

Talaado, November 20, 2012 (HOL) —Waxaa saaka xaalad deganaan ah laga dareemayaa xaafadda Islii oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay ka jireen rabashado u dhexeeyay Soomaalida degan xaafadda iyo dad ka careysan qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee ka Dhacay Isllii.

Waxaa saaka dib loo furay goobihii ganacsi ee magaalada, iyadoona uu caadi kusoo noqday isusocodkii dadka. Walow ay jirto xooga cabsi ay dadka ka qabaan in markale ay rabshado dhacaan ayaa hadana waxaa goobihii ay rabashada ka dhaceen ku sugan ciidamo katirsan kuwa booliska Kenya.

Gudoomiyaha Nairobi James Waweru  oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay Muslimiinta iyo Kirishtanka ku dhaqan xaafadda Islii in ay joojiyaan weerarrada.

Masuulkani ayaa sheegay in rabashadaha ka socda Islii ay ka faa’iideysanayaan kooxo uu ku sheegay dambiilayaal doonaya in ay boob u geystaan hantida dadweeynaha.

Sidoo kale xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamakunji Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dadka rabashadaha ka wada Islii aysan ahayn dad kasoo jeeda deegaanka Kamakunji balse ay ka yimaadeen degmooyinka kale ee Nairobi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in intii ay socdeen rabashadaha la kufsaday ilaa sagaal gabdhood oo Soomaali ah, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo bartilmaameedsaday Soomaalida ku dhaqan waaxda Sec One ee Xaafadda Islii.

Laba qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay in shalay lagu dilay waaxda Sec One, waxaana mid kamid ah dadkaasi uu ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada booliska Kenya.

Rabashadihii shalay ilaa daraad ayaa lagu soo waramayaa in ay sababaeen dhimashada 2 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 qof oo isugu jira Soomaalida Islii iyo kooxihii xaafadda soo weeraray, waxaana sidoo kale jirta hanti aad u badan oo la boobay mudadii ay rabashaduhu socdeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya