4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo saakay gaaray deegaan aad ugu dhow Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ayaa gaaray saakay oo Axad ah deegaanka Garsale oo ku dhow degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.


Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda aysan wax iska-caabin ah la kulmin intii ay ku socdeen jidka dheer ee isku xira degmada Balcad iyo deegaanka Garsaale oo ay hadda ku sugan yihiin.

"Saakay ciidamada dowladdu waxay gaareen deegaan dhowr iyo toban kiiloo-mitir u jira degmada Jowhar, waxaana ciidamada ka go'an inay la wareegaan degmadaas," ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi ka xigta Muqdisho ayaa ah degmadii ugu dambeysay degmooyinka waaweyn ee ay Al-shabaab ka taliso, iyadoo aysan qayb ka ahayn duullaankan ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.

"Ciidammo badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa buuxiyay deegaanka Garsaale, arrintu waxay u muuqataa mid dagaal, balse ma jirin wax dagaallo ah oo socda," ayay yiraahdeen rakaab kasoo tagay degmada Jowhar oo soo maray jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Jowhar.

Xaaladda degmada Jowhar ayaa deggen iyadoo dadka ku sugan degmadaas ay sheegeen in wax walba ay si caadi ah u socdaan, ayna degmada ku sugan yihiin xoogagii Al-shabaab ee horay u joogay.

Dowladda Soomaaliya oo garabsanaysa ciidamada ka socda Midowga Afrika ayaa waxay tan iyo horraantii sannadkan dagaal ay deegaanno badan ku qabsadeen la galeen xoogagga Al-shabaab, waxaana goobaha ay ka qabsadeen ka mid ah degmada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya