4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Dhimashada Boolis Kenyan ah oo ay Kooxo Burcad Laayeen oo sii Kordheysaa

Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Dhimashada weerar sabtidii kooxo burcad ah ay ku qaadeen ciidamo kaitrsan Booliska Kenya oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Baragoi oo hoostaga degmada Samburu ee dalka Kenya ayaa sii kordheysaa, iyadoonaa lagu soo waramayo in dhimashada ciidamadii halkaasi lagu laayay ay sii mareyso ilaa 37 Askari.

Sodon kamid ah cidamada la laayay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Saraakiil Boolis, halka todobada kalena ay ahaayeen ciidamo katirsan kuwa Ilaalada, waxaana sidoo kale la la’yahay ilaa lix sarkaal oo kale.

Qaar kamid ah meyedadkii ay laayeen kooxaha burcadda ah ayaa la geeyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sarkaal katirsan Booliska Kenya oo ka gaabsaday magaciisa ayaa u xaqiijiyay warbaahinta gudaha Kenya in dhimashada saraakiisha ay gaareeyso ilaa sodon, isagoona intaa ku daray in la la’yahay lix sarkaal oo kale.

Askartani la laayay ayaa kamid ahaa ciidamo dowladda Kenya ay u dirtay deegaanka Samburu, si ay uga hortagaan colaado u dhexeeyay qabaa’illo xoolaley ah oo marar badan halkaasi ku dagaalamay, waxaana ciidamadani weerar qorsheysan kusoo qaaday kooxo burcad ah oo u dhashay qabiilka Turkana kuwaasoo goobta ku laayay askar fara badan.

Dagaalka labada dhinac ku dhexmaray deegaanka ayaa sidoo kale waxa ay dhaawacyo kasoo gaareen afar kamid ah dadka deegaanka, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar katirsan dadka ku dhaqan degmada Samburu.

“Dhaawacyada mar hore ayay tuulada ka baxeen, duurka ayay galeen si ay uga badbaadaan xarig,” ayuu yiri goobjooge qadka teleefonka ugu waramayay jaraa’idka Daily Nation.

Sidoo kale dadka deegaanka Baragoi ayaa sheegay in dadka Turkanada ah ee ku dhaqan deegaankaasi ay bilaabeen in ay isaga barakacaan, iyagoo ka cabsi qaba in ay dhibaato kala kulmaan Militariga Kenya.

Labada Qabaa’il ee Samburu iyo Turkana ayaa marar hore dagaallo dhexmaray waxa ay isaga laayeen tiro dad ah, waxaana dagaallada u dhexeeyay labadani qabiil ay yihiin kuwo ku saleeysan xoolo lakala dhacay.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya