4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Xidhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn ugu kala aragti duwan kalsooni siinta Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya

Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan ansixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah xidhibaannada ay ku doodayaan in xukuumadda la ansixiyo, halka kuwo kale ay ku doonayaan in xukuumadda la ansixiyo haddii lagu qanco barnaamijkeeda siyaasadeed.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka mid ah mudanayaasha qaba inaan la ansixin xukuumadda oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in xukuumad aan lagu qancin balse caalamka la eego barnaamijka xukuumadda ay ku shaqeynayso, kaas oo ah midka sabab u noqon kara in xukuumadda la ansixiyo.

Sidoo kale, mudanayaal kale ayaa iyaguna qaba in xukuumadda la ansixiyo si ay u billowdo howlaheeda, iyagoo sheegay in loo baahan yahay xukuumad shaqeysan xilligan, balse aan loo baahnayn doodo dib u dhac ku keenaya howlaha ay qaban lahayd xukuumadda.

Kala aragti duwanaanta u dhexeysa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xukuumadda aan weli la horgeyn baarlamaanka, inkastoo ay dib u dhacday maalintii Sabtida ahayd oo lagu waday in baarlamaanka la hor-geeyo si codka kalsoonida loogu qaado.

Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa waxay toddobaadkii hore u gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka mooshin ay ku dalbanayeen inaan la ansixin xukuumadda inta laga soo dhameystirayo.

Hadalladan ayaa waxay imaanayaan xilli ay ka dhacayeen Muqdisho dibadbaxyo iyo kulammo looga dalbanayo xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 10-wasaaradood oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya