4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Iskahorimaad khasaare geystay oo ciidamada Itoobiya iyo Xarakada Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Baydhabo

Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen saddex kale ayaa ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray maanta deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay, iyadoo aanay jirin khasaare soo kala gaartay labadii dhinac ee dagaalamay.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weeraro isugu jira qaraxyo, duqeymo iyo iskahorimaad kooban la beegsadeen ciidammo Itoobiyaan ah oo ka tagay degmada Baydhabo kuna socday degmada Bardaale ee isla gobolka Bay.

"Rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah, saddex kalena way ku dhaawacmeen, ma jirto khasaare kala gaaray labadii dhinac ee dagaalku u dhexeeyay," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Aw-dhiigle oo magaciisa qariyay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xoogaggii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday ciidamada Itoobiya ay isaga carareen goobta, taasna ay keentay in ciidamada Itoobiya ay rasaas ku furaan dad ku sugnaa deegaanka Aw-dhiigle oo ahayd halkii uu iskahorimaadka koobani ka dhacay.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa xaqiijiyay in iskahoimaadku uu dhacay; isagoo xusay in ciidamada Itoobiya ay si bareer ah rasaas ugu fureen dad shacab ah oo ku nool deegaanka Awdhiigle rasaastaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamadii Itoobiya ayaa la sheegay inay safarkoosa iska sii wateen, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqnayo dagaallo dhowr ah oo maalmahan gobolka Bay ku dhexmarayay ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya