4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Bannaanbax lagu dalbanayay in Xukuumadda cusub ee Somalia la ansixiyo oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]

Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Bannaabax lagu taageerayay xukuumadda uu soo dhisay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) loogana codsanayay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay codka kalsoonida ah siiyaan ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Bannaabaxan oo ahaa mid si weyn loosoo agaasimay ayna ka qayb-galeen, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo dadweyne u badan haween ayaa waxaa looga dalbaday xildhibaannada baarlamaanka inay kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub.

Dibad-baxayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa barnaarta gaashaaman oo siday warmo iyo dharka hidaha iyo dhaqanka, waxaana sidoo kale dadweynuhu ay siteen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay taageerayaan xukuumadda iyo haweenka Soomaaliyeed.

Waddooyinka Magaalada qaarkood ayay dibadbaxyaashu socod ku mareen, iyadoo ugu dambeyn kusoo barxadda fiyooraha halkaasoo ay kula hadleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo mamaulka gobolka Banaadir, waxaana barbaarta gaashaaman ay kusoo bandhigeen halkaas ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Tiro ma rabno ee tayo ayaan rabaa... xukuumadda waa in la ansixiyo iyo erayo kale ayay dibadbaxyaashu ku dhawaaqayeen. Iyagoo sidoo kale watay boor weyn oo ay ku qoran tahay tirada 10 oo ay ula jeedeen toban wasiir ee ay xukuumaddu ka kooban tahay kuwaasoo lagu soo xulay hab beeleed.
 
Dhammaan xubnihii ka hadlay dibadbaxa ayaa waxay ku taliyeen in la taageero xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale soo dhaweeyay tirada laga siiyay haweenka Soomaaliyeed oo ah laba xubnood oo middood loo dhiibay jago aan horay loogu dhiibin haweenka Soomaaliyeed.

Goobta uu dibadbaxu ka dhacayay ayaa waxaa ammaankeeda sugayay ciidammo isugu jira booliis iyo nabadsugid, waxaana heeso guubaabo ah kusoo bandhigay dibadbaxa abawaanka kooxda qaylo-dhaan, Cabdi Shir Jooqle.

Bannnaanbaxan lagu taageerayay xukuumadda Soomaaliya laguna dalbanayo in codka kalsoonida ah la siiyo ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu waday in maanta la horgeeyo xukuumadda baarlamaanka, balse arrimo farsamo awgood ayaa la sheegay in qorshahaas uu dib ugu dhacay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya