4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Ardayda Jaamacadda Gabiley oo sameeyay Mudaharaad ay kaga cabanayaan Guddida Doorashooyinka Somaliland
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Ardeyda Jaamacada Gabiley ee Tima-cadde Universty ayaa mudaharaad ay kaga cabanayaan qaabka ay komishanka doorashooyinka ula dhaqmeen ardaydaasi oo ay sheegeen inay tahay wax ka duwan sida jaamacadaha kale ee dalka loola dhaqmay.

Ardaydan oo socod nabadgalyo ah ku muray badhtamaha jidka magaaladda Gabiley, ayaa si adag uga hadlay wax ay ku tilmaameen xaqiraad ay guddida doorashooyinka Somaliland ku sameeyaan, iyadoo ay ahayd bay yidhaadheen in laga dhigo madaxda goobaha doorashooyinku ka dhacayaan, balse ay guddida doorashooyinka u sheegeen inay ka mid noqdaan shaqaalaha hoose ee goobaha doorashooyinka ka dhacayaan, taas oo aanay la qabin jamacada kale dalka, maadaama oo ardayda jaamacadaha lagu aamino inay madax ka noqdaan goobaha codka lagu bixinayo.

"Xaqayaga cidna kama baryeyno goobkasta waxaanu ka noqoneynaa gudoomiyaha goobta iyo ku xigeenkiisa sida ardeyda kale ee jaamacadaha loo qoondeeyey, anagu waxaanu xaq u leenahay waxa ardeyda kale xaq uleeyihiin, Guddida Doorashooyinka ka aqbalin mayno inay yidhaahdaan jaamacado aanu dooraney ayaanu qandaraasku siiney, Waxaanan cidna ka baryeyna waxa ay ardeyda reer somaliland xaq uleeyihiin”ayuu yidhi gudoomiyaha ardayda jaamacadda Gabiley Axmed Geeddi Khaliif oo warbaahinta kula hadalyey maamulka gobolka Gabiley hortiisa.

Waxaanu intaas ku daray “Aqbali Mayno hadaanu nahey Ardeyda wax ka barta Jaamacada Gabiley talaabada Komishanka Doorashooyinka ku xaqireen Ardeyda Jaamacadan, sababtoo ah waxaanu la mid nahey Jaamacadaha dalka, aqbali mayno in ay maanta na yidhaahdaan waxaanu idinka howl galin doonaa khad mariyayaal”

Waxaanay sheegeen in haddii laga dhigi waayo madaxda goobaha doorashooyinku ka dhici doonaan aanay doorasho ka dhaceen deegaankooda, maadama oo qaab ka duwan jaamacadaha kale loola dhaqmay.

Wax kale oo halkaas ka hadlay Sakariye Axmed Bare iyo Cabdirisaaq Cumar Yuusuf, Faysa Nuux Ibraahim, Mukhtaar Nuur Khaliif, Cismaan Nuur Aqli , Muuse Maxamuud cismaan , gudoomiyaha kuuliyada Beeraha Cabdiraxmaan Jaamac Muuse iyo ardey kale oo tiro badan.

“Komishanka doorashooyinka waxaan toos u leenahay hadii arinkaas sida ugu dhakhsaha badan aad jawaab uga soo bixin waydaan, anagu musharixiin ahaan doorashada waanu qaadici doonaa doorashaduna ka dhici mayso gobolka Gabiley sida ugu dhakhsaha badan waa in ardeyda jaamacada tima-Cade University u heshaa xaq ay leeyihiin ardeyda jaamacadaha kale”ayuu yidhi Aamin Cumar Dheere oo ka mid ah musharaxiinta golaha deegaanka ee magaaladda Gabiley.

Mudaharaadkan ayaa ku soo gabogabaysmay si nabadgalyo ah oo aanay wax dhibaato ah ka dhicin, iyadoo wax ciidan ah iyo cid ka socota maamulka gobolk Gabiley aanay u soo bixin ardayda, haseyeeshee ardaydan ayaa ku baaqay in dhowaaqooda la tixgaliyo haddii kale aanay yeeli doonin inay doorasho deegaankoodda ka dhacdo.

Inta badan goobaha doorashooyinku ka dhacayaan waxa ka hawlgala ardayda jaamacadaha dalka ee wasaaradda waxbarashadda hoos yimaadda, kuwaas oo tartamayaasha iyo xisbiyaduba si weyn ugu kalsoon yihiin ardayda,  maadaama oo hore loo arkay shaqooyinkooda iyo daacadnimadooda, sidaa darteed,  waxa inta badan laga dhigaa ardayda inay madax ka noqdaan goobaha doorashooyinku ka dhacayaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland