4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka codsaday in wax laga qabto Mas'uuliyiin ku milmay Doorashooyinka

Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wax ka qabto masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ku dhex milmay ololaha xisbiyada.

"Waxaa xushmad iyo maamuus noo ah inaanu halkan kuugu soo gudbino warbixin tafaftiran oo ay komishanka doorahooyinka qaranka u soo gudbiyeen Gudida dabo-galka iyo habsami u socodka doorashooyinka.Warbixintaasi oo sideeda isku fasiraysa waxa ay ka marag kacaysaa sida qaawan ee qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladdu ugu xad-gudbeen xeerka hab-dhaqanka xisiyadda/Ururadda siyaasadda iyo wareegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray ee mamnuucayay adeegsiga qalabka iyo hantida dawladda iyo in masuuliyiinta dawladdu ay ku milmaan xisbiyadda.Ururadda siyaasadda"ayaa lagu yidhi qoraal uu soo saaray gudoomiyaha doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari).

Waxaanu intaas raaciyey inuu madaxwenuhu talaabo ku haboon ka qaado masuuliyiintaasi ku xadgudbay anshaxa iyo hab dhaqanka doorashooyinka.

War-saxaafadeedkan guddida doorashooyinku u gudbiyeen madaxweynaha ee kaga codsanayeen inuu wax ka qabto masuuliyiin ku dhex milmay ololaha doorashooyinka ayaa ka dambaysay ka dib markii guddida dabagalka iyo ilaalinta hab sami u socod doorashooyinka ku eedeeyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta goboladda inay si caadi ah u dhex galeen inay u ololeeyaan xisbi gaar ah.

Guddoomiyaha Guddida ilaalinta anshaxa iyo hab-sami u socodka doorashada Axmed Maxamed Cadaad, ayaa tilmaamay masuuliyiin qaar ah oo xisbi gaar ah u ololeenaya, kuwaas oo ku baaqay inay ku xad gudbeen anshaxa doorashooyinka loogu tallogalay.

Guddida masuuliyiinta ay tilmaameen inay ku milmeen doorashooyinka waxay kala yihiin Guddoomiyayaasha Gobolada Selel, Awdal, Gabiley, Hawd, Oodweyne, Saraar, Sool iyo Sanaag oo ay sheegeen inay si qaawan uga dhex muuqdaan ololaha doorashada, iyaggoo ka hadlaya fagaarayaasha, isla markaana gaadiid iyo hantidii ummadda ka dhaxaysay u adeegsanaya ololaha.

Sidoo kale, waxay qoraalkan lagu sheegay in si toos ah u sheegay Guddoomiyaha Saaxil inaanu cidna uga gabanayn u ololaynta xisbigiisa, taasi oo macnaheedu noqonayo inaanu u hogaansamayn sharciga dalka u dejisan ee ahayd inuu isagu noqdo kan ugu horeeya ee ilaaliya.

Waxa kale oo ay xuseen in guddoomiyaha degmada ama maayarka sharaxani uu shakhsi ahaan uga qayb-qaato ololaha doorashada, balse qaarkood ku xadgudbeen oo ay adeegsadeen hantidii umadda u dhexeysay sida Maayarada degmooyinka Saylac, Boorama, Baligubadle, Salaxlay, Caynaba iyo Ceerigaabo ay gaadiidka umadda ee ay wataan ay u isticmaaleen u ololayn xisbi/urur.

Sidoo kale, masuuliyiinta la tilmaamay ee ku dhex milmay waxa ka mid ah Maareeyaha hay’adda Waddooyinka (SRA) iyo agaasimaha maamulka hay’adda la dagaalanka AIDS-ka (Solnac).

Haddaba guddida ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka doorashadu waxay si adag u farayaan Guddoomiyayaasha gobolada Salal, Gabiley, Awdal, Hawd, Saaxil, Oodweyne, Saraar, Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale Maareeyaha hay’adda waddooyinka iyo agaasimaha maamulka hay’adda Aids-ka inay ka waantoobaan ka qayb-galka iyo ku milmida ololaha doorashada kuna ekaadaan masuuliyadaha ay qaranka u hayaan, iyagga oo si dhex-dhexaadnimo ah u gudanaya, maayaradda Magaalooyinka Boorama, Gabiley, Baligubadle, Salaxlay, Burco, Caynaba iyo Ceerigaabo looga digayaa isticmaalka hantida iyo gaadiidka umadda xiliyadda ololaha lagu guddo jira.

"Cidii ka dhaga-adeygta fulinta arimaha aan soo xusnay iyo guud ahaan shuruucda doorashada darajo kasta ha lahaadee waxa loo aqoonsanayaa qof carqaladaynaya hanaan socodka doorashada, kuna gabood-falay sharciga dalka, sidaa darteed waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci oo ku haboon"ayaa lagu soo gabogabeeyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland