4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Xilliga shaqo ee AMISOM ku Kordhiyay Muddo Hal Toddobaad ah
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) —  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay xalay ku yeesheen meel ka baxsan xaruntooda New York waxay muddo hal todobaad ah ku kordhiyeen howl-galka ciidamada AMISOM ee ka howgalaya Soomaaliya, iyadoo uu jiro muran ku saabsan xilli kordhinta AMISOM oo u dhexeeya 15-ka dal ee golaha ammaanka.


Xilliga shaqo ee ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ayaa ku ekaa 31-kii Oktoobar oo ku beegnayd Arbacadii shalay, iyadoo lagu wado in golaha ammaanka ay kaga doodaan arrinta muddo u kordhinta AMISOM kulan ay uga hadlayaan arrimaha dalka Soomaaliya oo ay yeelanayaan Arbacada soo socota.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxay kaga codsadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay kordhiyaan taageerada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan si ay u suuro-gasho in dib loosoo celiyo ammaanka iyo kala dambeynta dalka.

Sidoo kale, Midowga Afrika waxay codsadeen in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya, taasoo ay ku qaybsan yihiin xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan la ogeyn go'aanka ay ugu dambeyn ka qaadan doonaan.

Ilo wareedyo diblamaasiyadeed oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sheegaya inuu jiro is-faham-waa u dhexeeya 15-ka dal ee golaha ammaanka UN-ka kaasoo ku saabsan in cunno-qabteynta laga qaado Soomaaliya iyo in aan laga qaadin.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 1992 saarnaa cunno-qabteyn hub kaddib markii ay ka billowdeen dagaallo sokeeye oo qaab beeleed ku dhisnaa, iyadoo uu Midowga Afrika ku doodayo in loo baahan yahay in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya si loo dhiso awoodda ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa ammaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya