4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Dagaal Xoogagga Ahlusuna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ku dhaxmaray Gobolka Galguduud
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhaxmaray deegaanka lagu magacaabo Waro-dhuumaleh oo gobolka Galguduud ka tirsan xoogagga Ahlusunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Al-shabaab.

Dagaalkan oo ahaa mid culus isla markaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub kala duwan ayaa waxay warar kala duwan kasoo baxayaan sida uu u billowday.

Madaxa amniga u qaabilsan Ahlu Sunna Waljameeca Cabdi Xassan Max’ed ayaa isaga oo ku sugan degmada Ceelbuur u sheegay warbaahinta in ay ka war heleen weerar ay abaabulayeen xoogagga Al-shabaab sidaa daraadeed taa badalkeeda ay iyaga weerareen.

"Waxaan ogaanay in ay damacsan yihiin in ay jidka u galaan ciidamadeena, laakiin anaga ayaa markiiba weerar ku qaadnay, khasaare xoog leh ayaana gaarsiinay, waxaana ka dillnay ilaa 7 ruux, ayuu yiri,’’ Cabdi Xassan Max’ed.

Laakiin dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalku qarxay kadib markii xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gadiid ay la socdeen xogooga Ahlu Sunna, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ay sheegteen in ay gubeen mid ka mid ah gadiidka dagaallka Ahlu Sunna Waljameeca.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Itoobiya oo wadajira ay la wareegeen degmada Ceelbuur waxaa marar badan degmada iyo deegaannada hoos taga ka dhacay dagaallo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna oo is garabsanaya iyo waliba Xarrakada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya