4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Dagaal culus oo xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa xalay saqdii dhexe mar kaliya ku soo toosay dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo xoogagga Xarrakada Al-shabaab kadib dagaal culus oo labada dhinac ku dhaxmaray xaafadda howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ay xoogagga Al-shabaab weerar u muuqday mid qorsheysan kusoo qaadeen fariisimo ay kaga sugnaayeen xaafadda Howl-wadaag ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, taasoo keentay in labada garab uu ka dhax qarxo dagaalkii socday wax ka badan hal saac oo xiriir ah.

Marka laga soo tago rasaasta iyo hub-ka ay isku adeegsanayeen dhinacyada iska horyimid, sidoo kale waxaa la maqlayay dhawaaqa madaafiic ay soo ridayeen ciidamada dowladda Itoobiya ee fadhigoodu yahay duleedka magaalada Beledweyne kuwaasoo intooda badan ku dhacayay fariisimaha dirirtu ka soctay.

Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, iyaga oo intaa ku darray in dhinacooda ay dagaallkaa kaga dhaawacmeen Sadax ruux oo ka tirsan ciidamada maamulka gobollka.

"Khasaare xoog leh ayaan gaarsiinay, dib ayaana loo celiyay, waxaa naloo sheegay in ay meyd iyo dhaawacba ay qaateen, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaan in dhaceena ay naga dhaawacmeen oo kaliya ilaa Sadax ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan,’’ ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobollka ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Dagaalka xalay ka dhacay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee dhaca tan iyo markii ay gacan ku heynta magaalada la wareegeen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo ay gacan militari siinayaan kuwa Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya