4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2012
Dajiraha Soomaaliya u jooga Iiraan oo Madaxda Dalkaas ka dalbaday inay gacan ka geystaan xasilinta Soomaaliya

Sabti, May 05, 2012 (HOL) Dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Iiraan, Khaliif Kadiye Muuse ayaa madaxda dalka Iiraan ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii lagu xasilin lahaa Soomaaliya.

Iiraan ayaa waxay ka mid ahayd dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya markii ay ku dhufteen abaarihii xoogganaa ee sababay macluusha, waxaana safiirku uu sheegay in Iiraan ay sii waddo caawinta shacabka Soomaaliyeed.

"Soomaaliya waa dal Islaam ah, waxaana ka doonaynaa walaalaheen Iiraan inaysan illoobin shacabkeenna iyo xukuumaddeenna," ayuu yiri Muuse oo maanta oo Sabti ah u warramayay wakaaladda wararka Iiraan ee FNA.

Dajiruhu wuxuu shacabka, xukuumadda iyo bisha cas ee Iiraan ku ammaanay gargaarkii ay u direen Soomaaliya xilligii ay macluushu ka jirtay, isagoo sheegay inay ka codsanayaan gargaarkaas sii wadaan.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu ugu yeeray madaxda Tehran inay gacan ka siiyaan sidii ay Soomaaliya ula soo bixi lahayd shidaal, sidoo kalena ay ugu dhisi lahaayeen warshado. "Soomaaliya waxay kala shaqeynaysaa Iiraan dhoofka hilibka, kalluunka, mooska iyo khudradda," ayuu dajiruhu ku sheegay warka uu siiyay FNA.

Hay'adda bisha Cas ee dalka Iiraan ayaa waxay tan iyo sannadkii hore geysay dalka Soomaaliya 15-shixnad oo gargaar ah, kuwaasoo qaarkood lagu geeyay maraakiib si loogu caawiyo barakacayaashii ay macluushu ku habsatay.

Gargaarka ay Iiraan ugu deeqday Soomaaliya ayaa waxay isugu jireen, dawooyin, bariis, bur, sokor iyo alaabooyin kale, kuwaasoo la gaarsiiyay dadkii barakcayaasha ahaa ee loogu talogalay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqasho ku yimid sannadkii hore saraakiil dalka Iiraan u dhashay, kuwaasoo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cali Akbar Saalixi si ay u eegaan saameynta ay dadka Soomaaliyeed ku yeelatay abaartii dhalisay macluusha daran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya