4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Dagaal khasaare nafeed geystay oo xalay saqdii dhexe ka dhacay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ku dhexmaray degmada Ceelbuur xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.

Dagaalkan oo ahaa middo muddo socday ayaa wuxuu qarxay markii ay weerar ku qaadeen xoogagga Al-shabaab degmadaas oo bishii hore laga qabsaday, waxaana guulo ka kala sheegtay dagaalka dhinacyadii uu dhexmaray.

Sarkaal u hadlay Ahlusunna oo ku sugan degmada Ceelbuur ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas lix ka mid ah xoogagga Al-shabaab ayna ku qabteen mid kale oo dhaawac ahaa, isagoo xusay inaysan jirin khasaare dhankooda soo gaartay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid culus ayna dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkan lagu sheegay kii ugu culsaa ee dhexmara labada dhinac tan iyo markii degmada Ceelbuur ay isaga baxday Al-shabaab.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay Al-shabaab oo aan sheegin halka ay ku sugan yihiin ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay guulo ka gaareen ayna dib uga laabteen markii ay ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca ciidamada Itoobiya oo dagaalkii xalay qayb ka ahaa; iyadoo saakay ay xaaladdu daggan tahay, saraakiisha Ahlusunna ee ku sugan degmadaasna ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan maydadkii Al-shabaab ee ay ku dileen dagaalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya