4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Shir looga hadlayo Mustaqbalka Somalia oo saacadaha soo socda ka furmaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Iskool Bulusiyo

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in saacaha soo socda uu ka furmo dugsiga tababarka booliiska ee iskool bulusiyo shir looga hadlayo musqtablka dalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan 135 oday-dhaqameed oo soo xuli doona guddiga ansixinta dastuurka iyo guddiga xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan xubnaha sarsare ee dowladda KMG ah, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in shirka uu maanta noqon doono mid furitaan ah oo hadallo laga jeediyo, balse dooduhu ay billaaban doonaan maalinta berri ah.

"Waxaan shirkan uga hadli doonnaa mustaqbalka sida xulidda guddiga ansixin doona dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah," ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha ka qaygalaya kulanka.

Ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo iyo hareeraheeda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo suxufiyiinta doonaya inay shirka tabiyaan si aad ah loo baray, waxaana ku sugan jidadka gala xaruntaas iyo goobaha ku dhow ciidammo fara badan.

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay u diyaar-garoobeen sugidda amaanka inta uu socdo shirka, iyagoo sheegay inay dhici karto inay wax dhacaan, balse iyaga ay ka go'an tahay inay ammaanka adkeeyaan.

Ergooyinka shirka ka qaybgalaya oo ka yimid gobollada dalka Soomaaliya ee aanay joogin Al-shabaab ayaa wuxuu shirkooda ku eg-yahay 15-ka bishan May markaasoo uu billaaban doono shirka lagu ansixinayo dastuurka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya