4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
COL CABAAS IBRAAHIM: “Mar Dhow Gacanta ayaan ku Dhigeynaa Magaalada Baardheere

Jimco, May 04, 2012 — COL Cabaas Ibraahim Gurey oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ee howlgalka ka wada gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan weerar ballaaran oo ay ku qaadaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

COL Cabaas oo isagoo ku sugan Gobolka Gedo warbaahitna la hadlay ayaa sheegay in mudooyinkii u danbeeyay ay wadeen qorshe dagaal oo lagula wareegayo magaalad Baardheere, wuxuuna sheegay in qorshahaasi uu usoo dhamaaday, islamarkaasina ay dhawaan qaadi doonaan duullaan ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

"Inta badan gobolka waxa gacanta ku haya ciidamada dowladda, todobaadyada soo socdana haduu Alle yiraahdo waxaad arki doontaan horumar ballaaran oo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen gobolka Gedo," ayuu hadalkiisii ku daray.

Mar uu ka hadlayay hadii howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay garab kaga helaan ciidamado shisheeye ayuu sheegay in howgalka ay wadaan ciidamada dowladda oo qura, islamarkaasina aysan jirin ciidmada Kenya ama Itoobiyaan oo ay garab uga helayaan.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana xoogagga Al-shabaab ay haatan ku suganyihiin Degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere ee gobolkaasi Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya