4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan

Jimco, May, 04, 2012 (HOL) --  Wararka laga hellayo degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaa isaga baxeen xoogagga Xarrrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo maalintii shalay gudaha u galay degmada.

Dad ku sugan degmada Maxaas oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in maalintii shalay galinkii danbe ilaa xalay fiidnimadii lagu arkayay saldhiga degmada Maxaas dagaalyahannada Al-shabaab, kuwasoo markii danbe isaga baxay saqdii dhexe ee xalay, iyaga oo fariisin ka dhigtay meeel aan ka fogeyn degmada.

Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee deegaannadaas kula dagaallamaya Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay intooda badan u ruqaansadeen dhinaca deegaannka Goobo oo wax aan badneyn jira degmada Maxaas, halkaasoo saacadihii aynu soo dhaafnay uu dagaal ku dhaxmaray labada garab.

‘’Degmada Maxaas inta badan labada dhinac kuma nagaadaan, marba qolo ayaa soo gasha, haddana waa ay isaga baxaan, arintaa dhibaato xoog leh ayeey ku heysaa dadka degmada oo mar walba wadnaha farta uga haya in dushooda lagu dagaallamo,’’ ayuu yiri, qof ku sugan degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan.

Saraakiisha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warbaahinta u sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaannadaas laakiin iskooda ay uga baxeen, iyaga oo intaa ku darray in hadda degmada Maxaas iyo deegaannka Goobo intaba yihiin kuwo cidlo ah oo aan cidna joogin.

Xarig jiidka iyo iska bada wareega ku saleysan colaada ee ka taagan deegaannada hoos taga degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan ayaa jahwareer aan caadi aheyn ku riday dadka ku dhaqan deegaannadaas u badan dad xoola dhaqato ah, kuwaasoo mar marka qaar loo dhibaateeyo ku lug lahaanshaha siyaasadaha is diidan ee labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.