4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Kooxo hubeysan oo xalay Wariye u shaqeynayay Radio Daljir ku toogtay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda garsoor ee waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug suxufi u shaqeynayay idaacadda Daljir oo lagu magacaabi jiray, Farxaan Jeemis Cabdulle xilli uu ka tagay goobtiisa shaqo uuna kusii socday gurigiisa.

Dilka wariyahan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo aan la garanayn, wuxuuna noqonayaa wariyihii labaad oo lagu dilo degmada Gaalkacyo tan iyo billowgii sannadkan 2012, iyadoo la xusuusto in bishii Maarso ee sannadkan lagu dilay isla degmada Gaalkacyo wariye Cali Axmed Cabdi oo 24-jir ahaa.

"Wariye farxnaan waxaa ku dhacday afar xabbadood waxayna saddex ka mid ah uga dhaceen laabta gaar ahaan dhinaca wadnaha xiga, waxaana laga toogtay dhabarka dambe," ayay yiraahdeen qaar ka mid ehelladiisa oo saxaafadda la hadlay.

Kooxihii dilka wariyaha geystay ayaa isaga baxday goobta, iyadoo ciidamada maamulka Puntland ay deegaankaas ka wadaan baaritaanno ku aaddan sidii ay kusoo heli lahaayeen kooxihii dilka wariyaha ka dambeysay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka wariyaha, waxaase uu gaarsiiyay tirada suxufiyiinta sannadkan oo keliya lagu dilay Soomaaliya kii shanaad iyadoo mid ka mid ah suxufiyiinta lagu dilay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan bishii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, bilihii Jannaayo iyo Feberaayo ee sannadkan ayaa waxaa Muqdisho lagu dilay laba agaasimayaal idaacadeed oo lagu kala magacaabi jiray, Xasan Cusmaan Cabdi(Fantaastik) iyo Abuukar Xasan Kadaf, kuwaasoo lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Marxuum Farxaan Jeemis oo da'diisu ahayd 27-jir ayaa wuxuu idaacadda Daljir u shaqeynayay shantii sano ee ugu dambeysay, wuxuuna ifka uga tagay xaas iyo saddex caruur ah, iyadoo lagu wado in maanta lagu aaso qubuuraha Cir-jiife ee duleedka degmada Gaalkacyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya