4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 28, 2012
Ciidamada Dowladda KMG oo Kaashanaya kuwa Kenya iyo Xoogagga Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, May 28, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka aroortii ku dagaalamay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askar katirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen duleedka deegaanka Qooqaani, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal socday ku dhowaad hal saac oo xiriir ah.

Inta la ogyahay Dagaalka ayaa waxa ku dhimatay sedex qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, ku dhowaad 10 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan deegaanka Qooqaani.

Sargaal lagu magacaabo Axmed Max'uud Max'ed Sayid Carab oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalyahannadii weerarka kusoo qaaday ay ahaayeen kuwo carcartooda qaba ayna u maleynayaan in ay yihiin kuwii laga soo qabsaday degmada Afgooye sida uu hadalka u yiri.

Xaaladda deegaanka Qooqaani ayaa haatan ah mid dagan, waxaana labada ciidan ay isku horfadhiyaan duleedka deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkani ayaa kusoo beegmaya xilli ay dagaallo ba'an ka jiraan inta badan gobollada Dalka Soomaaliya, dagaaladaas oo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya Ahlusunna Waljameeca, Raaskaambooni iyo weliba ciidamo ka socdo dalal kale oo ajnabi ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya