4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay deegaannada loo Barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa la wareegay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

Dagaallo shalya gallinkii dambe dhacay ayaa u sahlay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika inay gaaraan deegaanka Lafoole oo ka mid ah deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

"Xoogaggii Al-shabaab way isaga baxeen deegaannada ceelasha biyaha, calamada iyo Xaawo-Cabdi kaddib markii dagaal adag ay la galeen ciidamada isbahaysanaya," ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah goobjoogayaasha fara ku tiriska ah ee ku sugan deegaannada loo barakacay.

Goobjoogahan hadalkiisa ku daray in ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay saldhig ka sameysteen deegaanka Calamada oo ahayd goobtii ay Al-shabaab kusoo bandhigeen in ka badan 70-askari oo ay AMISOM looga dilay degmada Dayniile bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

"Ciidamada dowladda oo shalay kasoo dhaqaaqay deegaanka Siinka-dheer waxay xoog ku jireen Al-shabaabkii ku sugnaa Ceelasha-biyaha illaa Lafoole, waxaana ku sugannahay hadda waxaan ku sugannahay Lafoole," ayuu yiri Xildhibaan Cali Afgooye oo ka mid ah xubno la socda ciidamada dowladda.

Xaaladda deegaannada loo barakacay ayaa daggan, iyadoo saraakiisha dowladdu ay ugu baaqeen shacabka ku nool inay is-dajiyaan, iyadoo saraakiisha dowladda ay uga digeen ciidamada inay dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaannadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya