4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Kooxo hubeysan oo xalay Ganacsade Turki ah ku dilay Suuqa Bakaaraha kana qaatay lacago fara badan oo Doollar ah

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay gudaha hoteel ku yaalla suuqa weyn ee Bakaaraha ganacsade ajnabi ah oo la heegay inuu Turki ahaa oo lagu magacaabi jiray Zeyn Caabidiin, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay ka qaateen lacago fara badan oo doollar ah.

Ganacsadahan oo 47-jir ahaa ayaa lagala soo baxay hoteelkii uu deggenaa oo lagu magacaabo Fardows kuna yaalla suuqa bakaaraha, waxaana lagu toogtay illinka hore ee hoteelka oo laba maalmood uu degenaa, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilkan ganacsadahan Turkiga ah.

"Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa dilay ninka, goobta waxaa soo gaaray ciidamada dowladda KMG oo xiray laba ruux oo ka mid ah mas'uuliyiinta hoteelka oo lagu kala magacaabo Faarax iyo Nuunne," ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka ganacsadahan, laakiinse taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir Col. Axmed Xasan Maalin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ganacsadahan Turkiga ah aysan dowladdu wax war ah ka hayn, balse ay ku tuhunsan yihiin inay ka dambeyso Al-shabaab.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo nin ajnabi ah loogu geysto suuqa Bakaaraha, waxayna sidoo kale uu noqonaysaa markii ugu horreysay oo nin dhalashadiisa Turki tahay lagu dilo Muqdisho tan iyo markii ay ka billaabeen Muqdisho howlaha ay ku caawinayaan Soomaalida.

Saraakiil ka tirsan safaaradda Turkiga ayaa xaqiijiyay in ninkii xalay lagu dilay Bakaaraha uu ahaa ganacsade u dhashay dalka Turkiga, iyagoo sheegay inuu la socday ganacsade Soomaali ah oo ay qorsheynayeen inay ka furaan Muqdisho shirkado ganacsi, balse waxay sheegeen inaysan garanayn sababta loo dilay iyo cidda ka dmabeysay dilkiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya