4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
RAJO QARANNIMO: “Muqdisho waa sidee 21 sano oo dagaal sokeeye ah kadib”? (DAAWO SAWIRRO)

Arbaco, May 23, 2012 (HOL) - Tagitaankayga caasimada Soomaaliya markii iigu horreysay ee noloshayda, waxay ahayd mid dareen gaar ah igu abuurtay.

Ayraboorka Aadan Cade laga bilaabo ilaa iyo marka aad gudaha u gasho wadooyinka magaalada indhahaagu waxay qabanayaan burburka xoogga leh ee soo gaaray caasimada 21-kii sano ee ina soo dhaaftay.

Raadkii dagaalka sokeeye

Muqdisho waxay ahayd caasimadii Ummada waxayna ahayd mid kamid ah magaalooyinka ugu bilicda qurxoon bariga Afrika, sida ku xusan taariikhda casriga ah.

MUGADIHU.jpg
                          Muqdisho siday ahayd xilligii nabadda

Dagaallada sokeeye ee magaalada ka dhacay waxay ka tageen raad aan dhakhso ku tirtirmaynin, oo ay qaadan doonto sannado badan in la dhayo, waxaana waddo walba oo caasimada ku taal aad ku arkaysaa burburka soo gaaray dhismayaashii magaalada.

Gurigii ka babdbaaday madaafiicda waawayn waxaa kaaga muuqanaysa rasaasta yaryar oo dheeha ka qaaday darbyadiisa.

Xarrumihii dawlada ayaa iyagu noqday kuwa nasiibka ugu badan ku yeeshay burburka la dagay caasimada.

Waxaase iyaguna uu dayac xoog lihi ka muuqdaa taallooyinkii qaranka ee lagu xasuusan jiray halgamayaashii u soo dagaallamay xorriyada ay Soomaaliya harsanayso, sida: Sayid Maxamed Cabdille Xassan, Axmed Gurey, Xaawo Taako iyo Dhagaxtuur.

Halkan waxaad ku aragtaan sawirrada qaar kamid ah taallooyinkii qaybta ka ahaa bilicda caasimada sida ay u egyihiin iyo qaar kamid dhismayaashii uu burburku gaaray.

DALJIRKA DAHSOON.jpg

SYL.jpg

DHAGAXTUUR.jpg

FIYOORAHA.jpg

SAYIDKA.jpg


BURBURKA.jpg

BURBURKA3.jpg

BURBURKA4.jpg

BURBURKA5.jpg

BURBURKA6.jpg

BURBURKA7.jpg

Dib u dhiska dalka iyo rajada qarannimo

Marka laga soo tago raadadka naxdinta leh ee ay ka tageen dagaallada sokeeye, waxaa xagga kale kaaga muuqanaya rajo qarannimo.

Waxaad arkaysaa dib u dhis xoogleh oo lagu wado xarumihii dawlada.

Waxaa kaloo kuu muuqanaya guryo aad u bilic qurxoon oo si gaar ah loo leeyahay kuwasoo ay dhisanayaan dadka shacabka ah.

Dib u dhiska ugu badan ee Muqdisho ka socda ayaa waxaa wada dadka qurbo joogta ah ee kasoo noqday wadamada dibada gaar ahaanna galbeedka.

Dawlada Turkiga ayaa iyaduna dayactir ku samaysay qaar kamid ah xarumihii dawlada.

Meelaha haatan la dayactiray waxaa kamid ah xaruntii golaha shacabka iyo gurigii hooyooyinka.

kuwan waa qaar kamid muuqaallada xarumaha dawlada iyo guryaha ay dhisanayaan dadka shacabka ah.

DHISME.jpg

DHISME5.jpg

DHISME4.jpg

DHISME3.jpg

DHISME2.jpg

DHISME6.jpg

DHISME8.jpg

DHISME9.jpg

DHISME10.jpg

DHISME12.jpg

Dalxiiska

Magaalada muqdisho waa meel cimilo wanaagsan, waana meel ku fiican dalxiiska.

Maalinta jimcaha oo ah maalin fasax ah oo shaqooyinka laga nasanayo ayaa boqollaal Soomaali ah, ay u tamashle tagaan xeebaha Liido iyo Jazeera.

Waxaad kaloo goobahaas ku arkaysaa Soomaali badan oo ka timid dhanka qurbaha kuwaasoo jeclaystay inay fasaxooda ku soo qaataan gudaha dalkooda.

Dalxiiska2.jpg

Dalxiiska.jpg

Dareenka Shacabka

Marka aad dhex martid Muqdisho, oo aad la sheekaysatid dadka caadiga ah, waxaa kuu soo baxaysa in wacyiga dadweynaha ay wax badan iska badaleen.

Inta badan dadkii aan la kulmay ayaa ii sheegay in haatan lasoo gaaray xilligii ay shacabku gacantooda ku dhisan lahaayeen dalkooda, iyagoon fiirinaynin danaha gaarka ah ee hogaamiyayaasha Soomaalida.

Waxayna dadku kuu sheegayaan sida ay uga xunyihiin 21-kii sano ee Soomaaliya ay ka hartay la jaanqaadka wadamada gobolka iyo dunidaba.

ASKARTA3.jpg

Ammaanka

Inkastoo ay dhacaan weeraro lagu qaado ciidamada dawlada iyo dadka rayidka ahba ayaa haddana  Ciidamada dawladu ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan ammaanka magaalada. Waxaad arkaysaa baro-kontarool oo ku yaalla dhammaan wadooyinka waawayn ee caasimada.

Gaariyaasha maraya wadooyinka ayaa lagu sameeyaa baaritaano dheer si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weerrarada is qarxinta ah, gaar ahaanna xilliyada habaynkii ah.

Inkastoo ay ciidamada dawladu kumannaan yihiin ayna kuu sheegayaan inay ciidanka ugu biireen difaaca dalka ayaa haddana waxaa ciidamada ku yimaada niyad jab ay kamid tahay mushaar la’aan.

Mid kamid ah ciidamada dawlada oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa ii sheegay in muddo 3 bilood ah uusan mushaar qaadan, taasoo keentay inuu haatan ku fakaro raadsiga mihnad kale oo uu nolol maalmeedkiisa ka raadsado.

ASKARTA2.jpg

ASKARTA.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya