4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Ciidamadiisu ay qorsheyanayaan sidii ay ku qabsan lahaayeen Kismaayo

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisa jooga Soomaaliya ay qorsheyanayaan sidii ay dhul kale uga qabsan lahaayeen Xarakada Al-shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee kuwa Koonfureed ee Soomaaliya.

Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisa ay isku diyaarinayaan sidii Al-shabaab ay uga qabsan lahaayeen magaalada dekedda leh ee Kismaayo, halkaasoo ah goob ay awood badan ku leedahay Al-shabaab.

"Waxaan go'aannsannay inaan xoojinno dagaalka aan kula jirno Al-shabaab," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo intaas ku daray inay haystaan khibrad weyn oo ay kula dagaalami karaan Al-shabaab.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Kismaayo ay tahay magaalada kale ee ay door-bidayaan inay Al-shabaab ka qabsadaan, taasoo 500-km koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho.

"Ciidamadeennu waxay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qabsan doonaan magaalada Koonfurta Soomaaliya ku taalla ee Kismaayo oo Al-shabaab ay awood badan ku leedahay," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugala bixi doono ciidamadiisa dalka Soomaaliya, balse lama oga waxa iska bedelay fikirkiisii hore.

Ciidamada Itoobiya oo dhammaadkii sannadkii hore soo galay Soomaaliya ayaa waxay Al-shabaab kala wareegeen dhowr degmo oo muhiim ahaa kuwaasoo ay ka mid yihiin: Baladweyne, Xudur, Baydhabo iyo Ceelbuur oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya