4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga oo la kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Washington DC iyo Minnesota


Washington D.C. Metropolitan Area Somali Community leaders welcome Minister of Planning & International Co-operation, Abdullahi Goodah Barre (Read here full story)


Isniin,  May 21, 2012 (HOL) - Wasiirka qorshaynta iyo xariirka caalamiga ah ee dowladda KGM ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa maalmihii ugu dambeeyey safar ku marayey qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka ee ay Soomaalidu degto, si uu ugu sharaxo waxyaabaha ay dowladdu ka qabatay hirgalinta barnaamijka qariirada nabadda “Roadmap”, kaasi oo qodobada uu ka kooban yahay la doonayo in looga gudbo waqtiga ku-meel-gaarnimada ee ay ku shaqeyso dowladda haatan ka jirta Soomaaliya iyo waliba sidii ay qurba joogto Mareykanku ay u tageeri lahaayeen dowladda iyo wax ka qabadka dalka.

Soomaalida Minnesota iyo safarka Goodax

Cabdullaahi Goodax Barre, oo haatan ku sugan Gobolka Minnesota, oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu tirada badan ee Mareykanka, ayaa HOL uga faalooday kulamo labaddii maalin ee la soo dhaafay uu la qaadayey qaybaha bulshada Soomaalida ah ee Gobolka sida, ganacsatada, aqoonyahanada, culumada waliba waxgaradka, isagoo ujeedada safarkiisa ku micneeyey isku day ay dowladda Soomaaliya uga gol leedahay in ay qurba joogta Soomaalida ugu sharaxdo qorshaha qariirada nabadda “Roadmap” iyo sidii ay uga talo dhiiban lahaayeen iyo waliba in ay dowladda ku gacan siiyaan howsha ay gudaha dalka ka wado.

 “Anaga howl ayaa naloo diray, waxaana naga go’an in aan howshaasi fulino sida ugu macquulsan, waxaanse qurba joogta ka codsanaynaa in ay nagu gacan qabataan islamarkaasna ay nagu tageeraan howshaasi culus ee na hortaala,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Hirgalinta Roadmapka iyo waqtiga dowladda u harsan

Lama saadaalin karo sida ay dowladda Soomaaliya ugu  guulaysan karto in ay dalka ka saarto ku meel-gaarnimada, iyadoo dad badanna ay qabaan in ay adag tahay meel-marinta arintaasi marka laga fiiriyo dhowr arrimood, hase ahaatee waxaa Cabdullaahi Goodax Barre, uu ku doodayaa in ay dowladda Soomaaliya ku guulaysatay sidii loo hirgalin lahaa inta badan qodobada uu ka kooban yahay barnaamijka qariirada nabadda “Roadmap”, oo isagu ah mid doonayo in looga gudbo xiliga kala guurka, isagoo intaasi ku daray in ay guud ahaan fulintiisa dowladdu ku soo afmeeri doonto inta aan la gaarin waqtiga u harsan ee ku eg bisha Agoosto ee fooda nagu soo haysa.

 “Howsha noo hartay waa ay yartahay, waxaana aaminsan nahay in uu nagu filan yahay waqtiga noo harsan, islamarkaasna aan ku soo gabagabeyn karno guud ahaan howlaha noo yaala,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax.

 Wax ka badalka qobyo qoraalka

Dowladda Sooomaaliya iyo beesha caalamkuba, waxaa ay ku celceliyeen in ay ka go’an tahay in laga gudbo xiliga kala guurka, si loo helo dowlad rasmi ah oo ka shaqeyso Soomaaliya, inkastoo ay caqabado iyo dhaliilo xoogan ka horyimaadeen meel marinta qaar ka mid ah qodobada ku jira barnaamijka qariirada nabadda “Roadmap”, gaar ahaanna dastuurka cusub oo qodobo ku jira ay dadka Soomaalida qaarkood dhaliilo iyo cabashooyin ka muujiyeen.

Cabdullaahi Goodax, waxaa uu sheegay in kadib markii ay bateen dhaliilaha loo soo jeedanayo  qabyo qoraal dastuurka cusub ee la doonayo in Soomaaliya loo sameynayo ay dowladdu wax ka badal baaxad leh ku sameysay, islamarkaasna maalmaha soo socda loo soo bandhigi doono dadweynaha Soomaaliyeed si u aqriyaan, waxbadanna uga fahmaan.

 “Dastuurkaan ma ahan kama dambeys, laakiin waa ku meel-gaar ilaa afti dadweyne loo qaado, cabsida dadku qabaanna ma ahan waxweyn, innagana nagama suurtowdo in aan dadkeena horkeeno wax dhibaataynaya diintooda iyo mustaqbalkooda dambe. Waakan annaga iyo caruurteena nalagu maamuli doono,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlayey HOL.

Soo celinta Ammaanka Dalka

Wasiirka qorshaynta ayaa sheegay mar uu ka hadlayey waxqabadka xukuumada uu ka tirsan yahay in ay wax badan ka qabatay dhinaca amaanka, islamarkaasna  ay dowladdu haatan maamusho dhul balaar oo ku yaala Soomaaliya, kadib markii laga saaray kooxda Al Shabab oo ay mudo dagaalamayeen.

“Waxaan idiin xaqiijinaya in amaanka wax laga qabtay, waxaadna ku garan kartaan wax socda. Shabab waa laga guulaystay, mana maqli doontaan shabab dambe ayaa meel ka talisa ama maamusha,” ayuu ku goodiyey wasiirka qorshaynta Soomaaliya Cabdullaahi Goodax.

Shirka Turkiga lagu qaban doono

Wasiirka ayaa sidoo kale mar wax laga weydiiyey shirka dhawaan la filayo in uu ka dhaco wadanka Turkiga, waxaa uu sheegay in looga hadli doono dhowr arimood oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amaanka wadanka Soomaaliya, islamarkaasna ay ka qeybgali doonaan ergooyinka ka socda dhinacyadii ka qeybgalay shirkii lagu qabtay London.

Wada hadalada dowladda iyo Soomaaliland

Iyadoo shirkii caalamiga ahaa ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya ee bishii febaraayo ee la soo dhaafay lagu qabtay magaaladda London  dhinaca Soomaalida cadaadis lagu saaray in ay wada hadlaan gaar ahaan dowladda Soomaaliya iyo xukuumadda Soomaaliland, oo iyadu in mudo ah sheeganaysay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa mar ay HOL  arintaasi wax ka weydiisay wasiirka qorshaynta waxaa uu sheegay in uu wali socdo dadaalka arintaasi loogu jiro, islamarkaasna ay dowladda Soomaaliya rajo wanaagsan ka qabto in ay wada hadaladu ay dhawaan furmaan.

“Wada hadalka lala galayo Soomaaliland meel wanaagsan ayuu marayaa,waxaana labada ummadood ee walaalaha ahna ay diyaar u yihiin mudo dheer kadib in ay wada hadlaan..Soomaliland waxaan ku amaanayaa mudadi ay jirtay waxaa ay gaartay horumar dhinaca amaanka ah, anaguna diyaar ayaan u nahay in aan ku garabsiino horumarkaas ay gaartay.”

Dowladda oo qurba joogta ugu baaqaysa in ay dalka ku soo laabtaan

Wasiirka qorshaynta ee dowladda Soomaaliya, ayaa ugu dambeyn qurba joogta Soomaalida Mareykanka  ugu baaqay in ay gudaha dalka yimaadaan, oo ay ka qaybqaataan dib u dhiska iyo talo dhiibashada howlaha socda ee maamul sameynta.

“Waa sax in aad tihiin deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, haatanna waxaa la idin kaga baahan yahay in aad ka qeybqaadataan wax socda, kaalaya oo talada nala wadaaga, sidoo kale maamulka ka mid noqda,” ayuu yiri.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota