4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2012
Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah oo lagu dilay Qarax Miino oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Axad, May 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo u badan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax miino oo shalay ka dhacya duleedka degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa miino oo ay saraakiisha dowladdu ku eedeeyeen inay halkaas ku aaseen xoogagga Al-shabaab ayaa dilay afar askari iyo qof shacab ah, kaddib markii ay miinadu la qaraxday gaari ay wateen ciidamada dowladda.

"Afar askari ayaa lagu dilay qaraxa miino oo ahaa mid dhulka lagu aasay, sidoo kale qof shacab ah ayaa lagu dilay weerarka, waxaana socda baaritaan ku aaddan ciddii ka dambeysay weerarkaas," ayuu yiri Cabdiraxmaan Muumin oo saraakiisha DKMG ah ka tirsan.

Sarkaalka ayaa sheegay in tuhunka ugu weyn ay ka qabaan Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG ah, kuwaasoo dagaallo xooggan kaddib ku dhawaaqay inay isaga baxeen qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan bishii Ogoosto ee sannadkii hore.

"Waxaan filayaa in miinada ay halkaas ku aastay Al-shabaab habeen hore," ayuu yiri sarkaalka, oo sheegay in weerarrada noocan oo kale ah ay ka dhacaan inta badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo AMISOM ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo qaraxyo qorsheysan oo khasaare ay kasoo gaarto dadka shacabka ah, iyadoo Al-shabab ay sheegtay in xoogaggeedu ay weli kula dagaalamayaan gudaha Muqdisho ciidamada DKMG ah iyo AMISOM.

Jidka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa inta badan mara ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee u kala socdaala magaalada iyo fariisimo ay ku leeyihiin duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya