4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya halka uu ka yimid qofkii isku qarxiyay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud

Arbaco, May 02, 2012(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in dhaawacyadii ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Dhuusamareeb loo qaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Guddoomiye Xeefow oo la hadlay  VOA-da ayaa sheegay in 8 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, isla markaana isugu jira Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo dad shacab ah ay diyaarad khaas ah ka qaadday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isagoo xusay in diyaaraddaasna ay ahayd mid ay u soo dirtay dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee Gobollada Dhexe in dadka dhaawacyada qabay ay dhammaantood ahaayeen kuwo aanu dhaawacooda darneyn, isla markaana lugahooda ku socday, wuxuuna ku macneeyay sababta Addis Ababa loogu duuliyay in ay ahayd iyadoo qarax uu watay firir iyo sun waxyeello dambe keeni karta.

Sidoo kalena, Guddoomiye Maxamed Yuusuf Xeefow waxaa uu sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qofka is-qarxiyay uu ahaa wiil ka yimid deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, kaasi oo uu magaciisa ku sheegay Maxamud Cartan Cadaawe Culusow, wuxuuna caddeeyay in ay xir-xireen dad lagu tuhusan yahay in ay fulinta qaraxaas u fududeeyeen.

Marka baaritaanka u soo dhammaado ayuu sheegay in ay saxaafadda u soo gudbin doonaan wixii baaritaankaas ka soo baxa. Wuxuu kaloo sheegay in la tuhunsan yahay dad ganacsato ah oo jinsiyadda dalal kale heysta, kuwaasi oo sida uu yiri loo maleynayo in ay falkaas ku lug lahaayeen.

Dhanka kalena, Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ka mid ah dadka dhaawacyada soo gaareen oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xaaladdiis caafimaad ay wanaagsan tahay, isla markaana uusan dhaawac weyn qabin.

Axmed C/salaan ayaa sheegay in ay gobollada dhexe u tageen arrimo nabadeyn iyo dib u heshiisiin ah, wuxuuna dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhibaato weyn ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]