4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Bambooyin khasaare geystay oo Ciidammo ka tirsan DKMG ah lagula eegtay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo midi uu ahaa askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay, lix kalena way ku dhaawacmeen laba bambo oo saakay lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo howl-gallo lagu burburinayo dhismayaal sharci-darro ah ka waday suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Bambooyinkan ayaa waxay ka dhaceen meelaha ugu mashquulka badan suuqa sida qaybta dahabka lagu iibiyo iyo qaybta lagu farsameeyo warqadaha ee loo yaqaan Cabdalla shideeyaha.

"Weerarradan waxaa u qabqabannay illaa 40-qof oo qaar ka mid ah aan aad ugu tuhmayno inay yihiin kuwii bambooyinka khasaaraha geystay tuuray," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cali.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa saraakiishii ku sugnaa suuqa xilligii ay bambooyinku ka dhacayeen ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu doonayay in howshii ay wadeen lagu joojiyo, balse ay ku guuleysteen inay ka hortagaan, ayna fureen jid muhiim ahaa.

"Howlgalkan wuxuu ahaa mid lagu burburinayay dhismayaal sharci-darro ah, waana burburinay... wayna soconayaan maalmaha socda inta la banneynayo dhammaan jidadka Muqdisho," ayuu yiri Col. Cali Maxamed.

Goobjoogayaal ku sugan Bakaaraha ayaa sheegay in qaraxyada bambooyinka la maqlay iyadoo ganacsiga suuqu uu caadi yahay ayna socdaan howlgallo qaybo ka mid ah suuqa looga burburinayay dhismayaal sharci-darro ah.

"Qaraxyada kaddib waxaan arkay dhimashada askari iyo haweeney rayid ah, waxaa markaas billowday in ganacsiga oo dhan la xiro, suuqana waxaa soo buuxiyay askar fara badan," ayuu yiri Nuur Cismaan oo ahaa goobjooge la hadlay saxaafadda.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarradaas bambooyinka ah, iyadoo goobihii ganacsi ee la burburinayay qaarkood ay fujiyeen dadkii lahaa, halka kuwo kalena ay fujiyeen ciidamada dowladda kaddib markii la waayay dadkii lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya