4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Diyaarad ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhaweyd ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Wafdigan oo ay ka mid yihiin taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Soomaaliya, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa halkaas u tagay arrimo la xiriira dhinaca ammaanka.

Wararka aan ka helayno Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in wafdigan laga yaabo inay tababarro u soo xiraan ciidammo dhawaanahan uu tababar uga socday degmada Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay noqonaysaa markii saddexaad oo uu safar ku tago Baydhabo tan iyo markii bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa dalka Itoobiya ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas.

Laakiinse taliyaha ciidamada booliiska iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo ay Baydhabo tagaan, waxaana si weyn u soo dhaweeyay wafdigan mas'uuliyiinta maamulka gobolka, xildhibaanno iyo wasiirro horay ugu sugnaa Baydhabo.

Degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo kuwaasoo ay geysanayaan xoogagga dowladda kasoo horjeeda ee Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya