4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
AMISOM oo sheegtay in Sarkaalka Ciidamada Burundi ee Al-shabaab ay soo bandhigtay la dilay Bishii Oktoobar ee Sannadkii Hore


Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay taliska AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa lagu sheegay in Maj. Emannuel Bizimana oo Al-shabaab ay sheegtay inay dileen habeenkii talaadada ahaa uu ka mid ahaa saraakiil 20-kii Oktoobar 2011 lagu dilay dagaal Al-shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray degmada Dayniile.

Xarakada Al-shabaab ayaa warbixin ay shalay soo dhigeen boggooda Twitter waxay ku sheegeen inay dileen sarkaalkii hoggaaminayay ciidamadooda ay xoogagoodu ku dileen howgal ay habeenkii talaadada ahaa ee lasoo dhaafay ka sameeyeen Dayniile.

"Maj. Emannuel Bizimana waxaa la dilay 20-kii Oktoobar 2011, xilligaasoo ay ciidamada Burundi howlgal ka sameynayeen degmada Dayniile," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AMISOM. Iyagoo sheegay in hadalkan uu yahay mid ay Al-shabaab ku doonayso inay cabsi ku geliso shacabka Muqdsiho.

Ciidamada Burundi ayaa bishii Oktoobar waxaa looga dilay degmada Dayniile in ka badan 70-askari, kuwaasoo Al-shabaab ay kusoo bandhigeen duleedka Muqdisho, inkastoo ay AMISOM iyo dowladda KMG ah inkireen in askar tiradaas le'eg laga dilay.

Dhanka kale, AMISOM waxay sheegtay in mid ka mid ah gadiidkooda uu shil ku galay deegaanka Nuur-Aduunyo ee degmada Dharkeynley kaasoo aan dhalin sida ay xuseen wax khasaare nafeed ah.

Taliska AMISOM waxay sheegeen in shirkaas uu ahaa mid dhacay kaddib markii ay cilladi ku timid gaariga shilka galay, waxaana taliyaha ugu sarreeya AMISOM uu sheegay inay ka taxadarayaan shilalka noocan oo kale si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya