4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Xildhibaan Muuse Suudi iyo Waxgarad kale oo si adag uga soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya sheegayna inaysan aqbalayn

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah waxgaradka iyo xildhibaanno ku shiray Muqdisho kana soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbalayn dastuurka.

Mudane Muuse Suudi ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aanay ogolaan karin isla markaana uu yahay gogol-dhaaf aanay kasoo baxayn wax ay dani ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Dastuurkan lala rooraayo waa mid aanay dani ugu jirin dadka, innagu mas'uuliyiin ayaan nahay waana na weydiinayaan dadka aan xildhibaannada u nahay, marka wax aan u jeedno inaysan wanaagsanayn ma ogolaan karno," ayuu yiri xildhibaanka oo si cad u sheegay inay dadka reer Muqdisho kasoo horjeedaan dastuurka.

Xildhibaan Muuse Suudi ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen in lagu tilmaamo dad qas-wadayaal ah haddii ay ka hadleen dastuur ay u jeedaan inaysan dani ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Annagu ma ogolaan karno in dastuur ay ku qoran tahay qofkii ajnabi ah ee dalka jooga shan sano wuxuu noqonayaa muwaadin. Waxaan nahay 10-Milyan haddii ay 100-milyan oo Shiine ah ay nasoo dul-dagaan shan sanana ay dalka joogaan waxay noqonayaan muwaadiniin, dalka waa nalaga qaaday markaas," ayuu yiri xildhibaan Yalaxoow.

Mudane Muuse Suudi ayaa gabagabadii hadalkiisa ku sheegay in haddii la ogolaado in wax laga bedelo khaladaadka ay ka tabanayaan datuurka cusub ay soo dhaweyn doonaan kuwaasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin waxyaabo diinta islaamka ka horimaanaya balse uusan ka sheegin goobta.

Ugu dambeyn, waxaa iyana ka hadlay kulanka looga horjeeday dastuurka ee ka dhacay Muqdisho xubno uu ka mid yahay Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo hoosta ka xariiqay in dastuurkan uu yahay mid ay dalal shisheeye ah wataan lana doonayo in lagu kala googoosto Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya