4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Mareykanka oo Malaayiin Dollar dul-dhigay Toddoba Sarkaal oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Al-shabaab

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 33-milyan oo doollar ay ku bixinayso warbixinnada ku saabsan toddoba sarkaal oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-shabaab, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo Mareykanka uu saraakiil Al-shabaab ka tirsan dul-dhigo abaal-marin lacageed.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in abaal-marintan loogu magac-daray (Abaal-marintii cadaaladda), waxaaan tani ay qayb ka tahay olole uu Mareykanku uga horjeedo ururka Al-Qaacida.

"Tani waa markii ugu horreysay oo madaxda ugu mihiimsan Al-shabaab la dul dhigo lacago," ayuu yiri Robert Hartung oo ah kaaliyaha dhinaca ammaanka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Marekanka ee howshan wada.

Robert Hartung wuxuu sheegay in xilli walba ay siinayaan abaalmarinta qofkii soo sheega xog ku saabsan toddoban sarkaal halka ay ku sugan yihiin, isagoo ku sheegay warkiisa in xubnaha ay kaalin weyn uga jiraan la dagaalanka argagaxisada.

Washington ayaa waxay sannadkii 2008 ku dartay Al-shabaab liiska ururrada ay ugu yeerto argagaxisada, iyadoo isla maarkaana kusoo rogtay xayiraaddo isugu jira dhinacyada dhaqaalaha, iyo safarka.

Dowladda Mareykanka waxay sidoo kale lacag gaaraysa 300-milyan oo doollar ay siiyay ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya, si ay u xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Mareykanku waxay sheegeen in 7-milyan oo doollar ay siinayaan qofkii soo sheega halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Aw-Maxamuud oo loo yaqaan, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr).

Sidoo kale, waxay sheegeen inay min 5-milyan siinayaan qofkii soo sheega halka ay ku sugan yihiin, Ibraahim Xaaji Jaamac oo ka mid ah aasaasayaashii Al-shabaab, Fu'aad Maxamed Khalaf iyo Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo dhammaantood ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Al-shabaab.

Xukuumadda Washington waxay sheetay in abaalmarinnadan oo kale ay horay u siiyeen illaa 70-qof oo soo sheegay macluumaadyo ku saabsan dad lagu daba-jiro, kuwaasoo uu ka mid ahaa nin qarxiyay safaarado uu Mareykanku leeyahay, iyadoo saraakiisha howshan wada ay sheegeen inay ku rajo-weyn yihiin in lacagtan abaalmarinta ah ee la dul dhigay saraakiisha Al-shabaab ay horseedi doonto in la helo macluumaadyo badan.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 3-milyan oo doollar ay siinayso ciddii soo sheegta halka uu ku sugan yahay madaxa sirdoonka Al-shabaab, Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi iyo Cabdullaahi Yare oo isaguna sarkaal sare.

"Al-shabaab waxay billowday inay muujiso caalamado ay isku qarinayso," ayuu yiri Rick "Ozzie" Nelson oo ah sarkaal ammaanka ka shaqeeya iyo saadaaliye arrimaha ammaanka ku saabsan. "Abaal-marinta lacageed ee la dul-dhigay saraakiisha sarsare ee Al-shabaab waxay dhiirrigelinaysaa in la waayo Al-shabaab oo dhan. Waana sugaynaa halka ay arrintu ku dameyso."

Ugu dambeyn, Hartung wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sugayso inay hesho warbixinnada ku saabsan saraakiishan Al-shabaab ka tirsan, isagoo sheegay inay siin doonaan qofkii warbixinnadooda u keena abaalmarinta lacageed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya