4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Dhaqdhaqaaq iyo Abaabul Ciidan oo laga Dareemayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ciidamada DKMG, kuwa Kenya iyo xoogagga Raaskambooni oo is-garabsanaya ay la wareegeen degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxa dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabullo dagaal laga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Goobjooge ku sugan Magaalada Kismaayo oo magaciisa ka gaabsaday ayaa HOL u sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka socdeen abaabullo ciidan oo aad u xooggan oo gurmad loogu dirayo dagaalyahannada Al-shabaab ee difaaca kaga jira duleedka Afmadow, isagoona intaa ku daray in gudaha magaalada laga furay goobo lagu diiwaangelinayo dadka doonaya in ay ka qeybqaataan dagaallada lagu difaacayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale waxaa magaalada kusoo qulqulaya gurmadyo ciidan oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka iyo qeybo katirsan gobollada dalka, iyadoona ciidamadaasi loo qaaday dhanka Degmada Afmadow, waxaana xoogagga Al-shabaab ay qorsheynayaan weerar xooggan oo ay ku qaadaan magaalada Afmadow ee dhawaan ka baxday gacantooda.

"Dhaqdhaqaaqyada siweyn ayaa looga dareemayaa magaalada, Masaajidda waaweyn ee magaaladana waxa ka istaagto culumo dadka ugu baaqeeysa Jihaad," ayuu goobjooguhu hadalkiisii raaciyay.

Guddoomiyaha dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay wareysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aysan ku ekaan doonin magaalada Afmadow, balse ay qorsheynayaan duulaan ay ku qaadaan degmooyinka kale ee gobollada Jubooyinka.

Xaaaladda gobolka Jubada Hoose ayaa aad u kacsan, waxaana suuragal ah in xilli walba uu qarxo dagaal dhexmara dhinacyada isku haya gobolka, waxaana dagaalyahannada Al-shabaab ay ciidamo fara badan ku soo daadgureeyeen gobollada Jubooyinka, iyadoona ay ka go'antahay in ay difaacdaan magaalada Dekedda leh ee Kismaayo, oo dhinacyada Al-shabaab kasoo horjeeda ay u hanqaltaagayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya