4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Somaliland Raalli-gelin ayaan u geynay wixii dhacayna waxaa mas'uul ka ahaa Maamul Jiray"
Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay u geeyeen ralligelin maadaama ay tabanayaan tacaddi horay loogu geystay, ayna ku heshiiyeen in wadahadalladu ay sii socdaan.

Sheekh Shariif ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan uu Muqdisho kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay inuu rajo weyn ka qabo inay wadahadallada noqdaan kuwo mira-dhala.

"Walaalkaa haddii uu wax kaa tabto waxaa habboon inaad tiraado raalli ahow... waxaan u geynnay raalli ahaada, wixii dhacay in laga wadahadlo ayaan ogol nahay, laakiin nidaam jiray oo dhibaatadiisu cid walba gaartay ayaa ayaa mas'uul ka ahaa arrintaas," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya ay ka dhaceen dhibaatooyin fara badan, isagoo xusay in kulankii dhacay la iskula gaaray in la isi saamaxno, maadaama walaalo la yahay Soomaalina la yahay lana wada-fariisto.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka inay dedejiyaan xulidda ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, isagoo xusay inay ka go'an tahay in xilliga KMG ah lasoo gabagabeeyo 20-ka Ogoosto sannadkan.

"Howlo badan oo dowladda aad u qaban lahaydeen ama aad iskiin u qabsan lahaydeen ayaa jira, waa inaad soo dedejisaan ergada ansixinta dastuurka iyo xildhibaannada cusub si xilliga KMG ah loosoo afjaro," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dalbaday in fursad la siiyo haweenka uu damaca kaga jiro siyaasadda dalka, sidoo kalena aan lagu xad-gudbin tirada loo qoondeeyay haweenka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya